Chelsea ayaa hoos u dhigtay qiimaha taageerayaasheeda u safraya Atletico Madrid ee semi-finalka Champions League, iyadoo tikidh walba ay ka bixineyso 20 ginni.
Blues ayaa dooneysa inay uga mahadceliso taageerayaasheeda safraya sida fantastiga ah ee ay u garab joogeen kooxda xilli ciyaareedkan oo dhan.
Kooxda Stamford Bridge ka dhisan ayaa waxaa la siiyay 3,071 tikidho kulanka lugta hore ee ay booqanayaan Madrid 22ka April.
Qiimaha caadiga ah ee ciyaarta lagu galayto tikidhka ugu raqiisisan waa 38 ginni kan ugu qaalisana waa 79.50 ginni. Laakiin jamaahiirta safreysa ee Chelsea waxa ay tikidhka ugu jaban ku iibsan doonaan 18 ginni, halka kan ugu qaalisan ay ku iibsan doonaan 59.50 ginni.
Kooxda hanatay Champions League sannadii 2012 Chelsea ayaa gaartay semi-finalka ka dib markii ay wareega 8da ka soo talaabsadeen kooxda Faransiiska ee PSG.
Real Madrid ayaa waajihi doonta Bayern Munich kulanka kale ee semi-finalka.