Horyaalkan England sabtigii iyo axadii an kasoo gudubnay waxaa la cayaaray kulamo aad u xiiso badan dabcan todobaadkan Liverpool ayaa gaartay guul muhiim ah kadib markii ay 3-2 kaga tilaabsatay naadiga Man City sidoo kale Chelsea oo iyadana kaalinta 2-aad ku jirto waxay 1-0 isaga reebtay naadiga Swansea City, hadaba waxaan idiin heynaa shaqsiyaadka todobaadkan wacdaraha ka dhigeen Premiership-ka England, hadaba hoos kaga bogo xidigaha wareega 34-aad Premiership-ka sida weyn uga dhex muuqdeen:
Goolhaye: David Marshall (Cardiff)
Daafaca: Seamus Coleman (Everton), John Stones (Everton), Juan Cala (Cardiff), Jon Flanagan (Liverpool)
Khadka dhexe: Jason Puncheon (Crystal Palace), Steven Gerrard (Liverpool), Philippe Coutinho (Liverpool),
Weerarka: Raheem Sterling (Liverpool), Demba Ba (Chelsea), Hugo Rodallega (Fulham)