Thursday, April 17, 2014

Indho-sheel: Annagaa Somaliland ka saarnay Taleex”.


Wararkii ugu dambeeyay ee Taleex iyo Xukuumadda Somaliland oo Afka ka xidhatay dhawaaqyo Bulshada dhako faar ku keenay




Indho-sheelTaleex(GNA)-Hogaamiyaha Maamulka la baxay Khaatumo ayaa markii ugu horaysay ka hadlay weerarkii lagaga saaray Degmada Taleex ee Gobolka Sool,salaasadii todobaadkan.




Indho-sheel oo goordheyd la hadlay Ideecadda BBC-da ayaa sheegay in go’aanka Ciidamada Somaliland shalay kaga baxeen Taleex ay ka dambeysay caddaadis Caalamiya oo dawladda Siilaanyo lagu saaray inay ciidamada ka soo qaado halkaasi.




Caddaadiska Caalamiga ah ayuu sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, isla markaana Bulshada Adduunyada u gudbiyeen dacwado ku aadan gardarada Somaliland ku qabsatay Magaalo-madaxda Maamulkiisa.




Qaramada Midoobay, Maraykanka, Ingiriiska iyo dawladda Somalia ayaa meel iska wada taagay Weerarka Ciidanka Somaliland ku qabsadeen Taleex, waxaanay ku baaqeen inay dhinacyada deegaankaasi isku hayaan ka dhawrsoonaadaan wax kasta oo nabad-gelyo daro abuuraya.




Maxamuud Yuusuf Indho-sheel ayaa markii laga qabsaday Taleex u cararay dhinaca Deegaanka Xalin 55KM u jirta Taleex.




Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa intaasi ku daray in Magaalada Taleex dhowaan Maamulkiisu ku qabsan lahaa Shirweyne lagu dhisayo Dawlad goboleed rasmiya oo Maamulka Khaatumo yeesho.




“labada sanadood ka hor ayaa Taleex lagu dhisay dawlad goboleed ku-meel gaadh ah, Shirkana waxa lagu dhisayaa Dawlad goboleed rasmiya”ayuu yidhi.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo la xidhiidha sheegashada hogaamiyaha Khaatumo ka soo yeedhay iyo Baaqyadii Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ee looga soo jeediyay arrinta Taleex.




Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland ilaa hada tafaasiil dhab ah kamay bixin sababta Ciidamaddeedu uga soo baxeen Taleex 24 saacaddood oo ay gacanta ku hayeen.




Laakiinse dad ku sugan Taleex ayaa Gobanimo u sheegay inay Saraakiil dawladda metelaysay oo Ciidamada la socday iyo hogaamiye dhaqameedyada hormuudka u ah Bulshadu intii ay Maalintii shalay kulamo ka dhacay Magaaladaasi isfaham ku dhex maray.




Is-fahamkaasi ayaan waxa uu salka ku hayo xog dhab ah wali laga helin, laakiinse ilowareedyada aannu helay waxay tibaaxayaan inuu ku taxaluqo sidii nabad-gelyada deegaanka iyo in Maamul rasmiya oo Somaliland hoos yimaada la wada sameeyo.




Dhinaca kale,Bulshada ku dhaqan gudaha Somaliland ayaa si weyn isu waydiinaya sababta ciidamaddu uga soo baxeen Taleex.




Dadka ayaa lagu soo waramayaa inay arrintan niyad jab iyo dhako faar ka qaadeen.




Ka aamuska Xukuumadda ee wararka isa soo taraya iyo dhawaaqyada kaga imanaya dibada ayaa abuuray shaki xoogan oo gudaha ah, waxaanay shacbigu ku jahawareersanyihiin ilaa xalay hadal-haynta arrintan.




Gobanimonews




Boosaaso Office




Email: editor@gobanimonews.com