Ciidan gaar ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa gaadhay Muqdisho Maanta oo Khamiis ah.
Ciidankan ayaa loogu talo-galay ilaalinta xarumaha Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawl-gala Magaalada Muqdisho.
Hurinta ciidan ee ugu horaysay Ciidanka ayaa ka socda dalka Uganda.
Maamulka Ciidanka ayaa ka madaxbanaan kuwa Amisom ee hawl-galka u jooga Muqdisho.
Waa ciidankii ugu horeeyay ee ka socda Qaramada Midoobay ee waddanka Somalia yimaada, wixii ka dambeeyay hawl-galkii UNISOM ee sanadkii 1993.
Gobanimonews
Muqdisho Office