Golaha wasiirada iyo Hayadaha Garsoorkaba; hadaba , waxaanu xusuusinaynaa madax-weynaha jamhuuriyada Somaliland inay beeshu tahay tii codkeeda kuu hurtay malintaad baahnayd isla markaana halgan dheer kula soo gashay
Haargeysa:Anagoo ah :-Cuqaasha ,waxgaradka ,odayaasha iyo dhalinyarada aqoon yahanka ah ee beesha Subeer Celi; waxaanu halkan ku caddaynaynaa inaanaan wax kalsooni ah ku qabin isla markaana aanu kalsoonidii si buuxda ugala noqonay Agaasimaha Guud ee Wasaarada xidhiidhka Golayaasha,Cilmi baadhista iyo Tiknoolajiyada, Maxamed Cali Aden (INDHA-CASE) ninkaas oo aanu u aragno nin aan haysan kalsoonida beesha, isla markaana aan karti u lahayn inuu isku soo dhaweeyo beesha iyo xukuuumada iyadoo aynu ognahay in Reerku ka qatan yahay Guud ahaan qaybaha kala duwan ee dawlada sida:- Golaha wasiirada iyo Hayadaha Garsoorkaba; hadaba , waxaanu xusuusinaynaa madax-weynaha jamhuuriyada Somaliland inay beeshu tahay tii codkeeda kuu hurtay malintaad baahnayd isla markaana halgan dheer kula soo gashay balse aanu siin waxay xaq ugu lahaayeen xukuumadada.
Guntii iyo Gebagebadii:-
waxa jirta in beesha oo isku dhan odayaasheeda, dhalinyaradeeda, Aqoonyahankeeda iyo cuqaasheeda ay dhawr jeer kulano kula qaateen madaxweyne balan qaadyana aad u samaysay balse aanad ka soo bixin.
madax weynaha waxaanu u sheegaynaa haddii la maqli waayo dhawaaqa iyo cabashada ku salaysan saamigii ay xaqa ugu lahayd beeshu xukuumada oo meesha ka maqan isla markaana uu degdeg wax uga qaban waayo, in aanu taageerada beesh u wareejin doono hadba halkii ay beeshu dan moodo, isla markaana ay beesha subeer celi kalsoonida kala noqon doonto xukuumada hada talada haysa, oo aanay beeshu waxba ku haynin haba yaraatee.
1. Chief Caaqil: Maxamed Xuseen ( xaraas)
2. Caaqil: Maxamuud Cali Guhaad
3. Caaqil: Cismaan Waysaale
4. Odey: Sulub Xasan Garaw
5. Caaqil : Aw geedi
6. Odey: bare yuusuf ali
7. Odey: muuse osman
8. Odey: Jaamac Maxamed Shire
9. Odey: Jaamac Koosaar Axmed
10. Odey: khaliif hasan carab
11. Farxaan ahmed
12. Mohamed yuusuf
13. ENG: Aar caddo adan
14.ENG: C.risaaq Max'ud Muxumed
15. GARY: Yuusuf Cabdi Adan
16.ENG. Xuseen Qorane Xasan
17. GARY. C.casiis Ismaciil Jamac
18. AQOON:Max'ud Dahir Cumar
19. Eng: C/qani Qorane Xasan
20. Eng: Axmed Sulub Xasan
21. Dr: Axmed -Yasiin Ismaaciil.
22. Abdirisak mohamoud qodax.