Friday, April 11, 2014

Somaliland oo Wefti u dirtay Ethiopia iyo Khilaaf soo kala dhex galay labada dal


Ma dhabaa inay Itoobiya soo Eriday Safiirkii Somaliland u fadhiyay dalkeeda?




eth and somHargeysa(GNA)-Somaliland ayaa Wefti heer Arrimo guddeed ah u dirtay Itoobiya maalmo ka dib markii ay xidh-xidhay saraakiil Bilays iyo isuduweyaal addis ababa ku dacweysay inay macluumaad sir ah ka qaadeen niman Sirdoon ah oo dhawaan Kantarool Magaalada Kala-baydh lagu qabtay, iyagoo u sii jeedda dhinaca Itoobiya.




Xukuumadda Somaliland ayaa xidh-xidhay xubno Askar ah oo uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii qaybta Bilayska ee Gobolka Gabiley, ilaa saddex isuduwe Wasaaraddeed oo gobolkaasi ka hawl-gala iyo xubno ka mida Shaqaalaha dawladda hoose ee Degmada Gabiley oo uu ka mid yahay Darawalkii Maayirku, ka dib markii lagu eeddeeyay inay saraakiisha Itoobiya kala hadheen Maskax gacmeedyo (Flash and Head Desk) ay ugu kaydsanaayeen Macluumaad sira.




Saraakiishaasi ayaa dhamaantood wali ku xidhn Xarunta C.I.D-da, waxa kale oo laamaha baadhista dawladdu su’aalo waydiiyeen Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Maayirka, kuwaasoo wax laga waydiiyay waxay ka ogyihiin falka loo haysto nimankaasi oo dhacay maalintii la soo qabtay.




Arrinta nimanka loo haysto ayaa sababtay khilaf diblomaasiyaddeed oo labada dal soo kala dhex galay,  sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay diblomaasi xidhiidhka labada dawladdood u dhuun daloola.




Itoobiya ayaa la sheegay inay ashkatada falka saraakiisha xidh-xidhan loo haysto ay toos ugu gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo, sida ay tibaaxayaan warar isla dhexmarayay intii arimahani dibada u soo baxeen.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in itoobiya  ergo u soo dirtay Safiirkii Somaliland u fadhiyay Addis-ababa oo maalmo ka hor soo gaadhay Hargeysa, una bandhigay dawladdiisa waxay ka cabanayaan Itoobiyaanku.




Dhinaca kale, warar aanay wali xaqiiqdoodu so shaac bixin, ayaa  tibaxaya inay Addis-ababa soo eriday safiirka Somaliland, arrintan awgeed.




Sidaasoo ay tahay, Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa la sheegay inuu maanta u socdaalay dalka Itoobiya, safar salka ku haya  xiisadan labada dal soo kala dhex gashay.




Saraakiil sar sare oo Somaliland ah ayaa Gobanimo u xaqiijiyay Safarka Wasiirka Daakhiliga oo aanay warbaahintu la socon, isla markaana dawladdu wax war ah oo lagaga tafaasiil bixinayo soo saarin.




Wali ma kala cadda in waran-cadde masuuliyiin kale ku weheliyaan safarkiisa iyo in kale, balse ilo-wareedyada ayaa intaasi ku daraya inay masuuliyiin kale oo dawladda ka socdaa raaceen.




Tegitaanka Waran-cadde ee Itoobiya ayaa la filayaa inuu wax ka bedelo xiisada siyaasaddeed ee soo kala dhex galay labada Maamul, waxaana suurto gal inuu si cad ugu beyaamiyo mawqifka dawladdiisu ka taaganyahay waxa dhacay iyo inuu damaanad ka bixiyo shaki Itoobiya ka qabto sirta Mishiinada saraakiisheeda laga qaaday inay  dibada u soo baxdo.




Somaliland iyo Itoobiya ayaa xidhiidh dhinacyo badan taabanaya oo qoto dheer wada lahaa intaan arrintani soo kordhin.




Khilaafka ayaan la saadaalin Karin saameynta uu ku yeelan doono cilaaqaadka u dhexeeya labada dhan oo inuu sidiisa ahaado maslaxadi ugu jirto labaddoodaba.




Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee sheekaddu ka bilaabantay ayaa Somaliland ka soo galay dhinaca Garoowe, halkaasoo ay kaga soo socdaaleen safar dhulka ah. labada dal




Talaabada Bilayska gabiley ku qabteen ayaa timi ka fib markii ay ka shakiyeen gawaadhida ay wateen oo lambarka Itoobiya lahaa iyo hub markii dambe laga helay gawaadhidooda, sida ay ku dooddeen markii ay soo qabteen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com