Monday, April 14, 2014

Gobol kale oo ka go’aya Ukraine


Keiv(GNA)-Maleeshiyaad taageersan Ruushka ayaa qabsaday saldhigyo ay booliska ku leeyihiin magaalada ku taalla bariga Ukraine ee Kramatorsk, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyo warbaahinta maxaliga ah.




Dronetska




Rasaas ayay isweydaarsadeen  booliska Saldhigyada  iyo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.




Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale Sabtidii shalay aheyd waxa ay qabsadeen xarumo ay dowladda ku leedahay gobolka Donetsk.




Xarumaha ay qabsadeen ayaa waxa ay ka taageen Calanka Jamhuuriyadda Donetsk kooxaha maleeshiyaadka.




Arrimahan ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka dhex aloosan dowladda cusub ee Kiev iyo dibad baxayaasha taageersan Ruushka.




Bariga Ukraine ayaa waxaa ku nool dad badan oo ku hadla luuqada Ruushka, waxaana tan iyo markii xilka laga qaaday Madaxweynihii Ukraine, Viktor Yanukovych, February isa soo taraya dibad baxyada ka dhacaya Gobolladaasi.




Dowladda cusub ee Kiev ayaa ku eedeyneysa xukuumadda Moscow in ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Bariga Ukraine, laakiinse way beenisay Moscow eeddaasi.




Gobolka Crimea ayaa bishii March ka go’ay Ukraine, oo ku biiray Ruushka.




Xiisad diblomaasiyaddeed oo kala qaybisay Dalalka ugu tunka weyn adduunka ayaa ka dhalatay go’itaanka Crimea.




Ukraine ayaa ku taala bogcad istaraatiijiya oo Dhaqaalaha iyo amaanka Ruushka muhiim u ah.




Reer Galbeedka ayaa doonaya inay saameyn siyaasaddeed iyo cudud dhaqaale ku yeeshaan Keiv.




Laakiinse Moscow ayaa ka soo horjeeda isku day kasta oo Yurub iyo Maraykanku doonayaan inay ku jitaan Mandaqadan.




Si kastaba ha ahaatee rabshadaha dhacaya ayaa hadii ay sii socdaan u muuqda kuwo mustaqbalka hadhaaga Jamhuuriyadaha Ukraine furfuraya midnimadooda.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com