Garison(GNA)Laamaha Dambi baadhista Maraykanka ayaa baadhis ku haya dil toogasho ah oo habeenkii jimcaha ka dhacay Magaalada Garison, kaasoo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka nabad-gelyada.
Saddex ka mida ah waaxda gaar ah ee Ciidanka FBI qaybta Baltimore ayaa lagu xidhiidhiyay inay ku lug lahaayeen toogashada sarkaalkaasi oo u dhintay dhaawac soo gaadhay.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay Laamaha FBI-da iyo kuwa amniga toona.
War kooban oo lagu daabacay Mareegta Internet-ka ee FBI-da ayaa lagu sheegay in dilkani uu dhacay, ka dib markii saddex Nin ee FBI-da ka tirsan iyo Ninka la dilay ku kulmeen meel baadhis laga waday waddada 9700 block of Reisterstown Road habeenkii Jimcaha.
Toogashada ayaa timi markii Ninka la toogtay oo baadhayay meel Mukhaadaraadka lagu iibiyo, markii uu gaadhigiisu halkii uu yaalay yimi xabad lagu furay.
FBI-da ayaa sheegay in Kiiskan baadhis lagu hayo, iyadoo la waafajinayo Sharciga FBI-da.