Axmed Saleban ayaa Ciidanka Asluubtu toogasho ku dileen ka dib markuu isku dayay inuu mar kale ka baxsado Maxkamaddaha Burco..”GNA
Burco(GNA)-Ciidanka Asluubta ayaa maanta Toogasho ku dilay Nin Maxbuus ah oo isku dayay inuu baxsado, ka dib markii xukunkiisa lagu dhawaaqay.
Axmed Saleebaan oo ah Ninka la dilay ayaa wakhti hore oo ay muddo ka soo wareegtay sidan oo kale uga baxsaday Maxkamadda, isla markaana u baxsaday deegaamada Puntland.
Maxbuuska ayaa ku eeddeysanaa Macluumaad foojari ah oo uu ka sameeyay Buugaagta Cashuuraha wasaaradda maaliyadda ee Gobolka Togdheer, taasoo horaantii sanadkan lagu qabtay.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay in xukunka Maxkamadda Rafcaanka markii lagu dhawaaqay uu Albaabka ka booday, ka dibna isagoon dhaafin Gan-jeelka Maxkamadda Ciidanka Xabsiyaddu Garabka ka toogteen.
Baxsiga maxaabiista Maxkamaddaha la keenno ayaa ah falal si dhif ah uga dhaca Somaliland, hase ahaatee dil hore looguma gelin qaar sidan oo kale u baxsaday.
Maydka Maxbuuska la dilay ayaa la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, halkaasoo Eheladdiisu inay dawladdu ka qaado si loo aaso.
Maamulka Gobolka Togdheer ayaa Eheladda Marxuumka ku war geliyay inay dawladdu dusha ku qaadatay Dhigiisa, sidaa darteed Maydka la aaso.
Hase ahaatee arrintan ayaa laysku mari waayay, ka dib markii Qoyska dhinka dhintay dalbadeen in la caddeeyo cidii dishay.
“Maamulka Dawladdu waxay ku yidhaahdeen hala aaso maydka, dawladdana qabta dhigiisa, eheladdiisuna waxay yidhaahdeen ilaa la soo caddeeyo qofkii dilay la aasi maayo”sidaasi waxa yidhi mid ka mida Saraakiisha Dawladda ee Gobolka oo Gobanimo la hadlay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dawladda oo arrintan la xidhiidha, hase ahaatee wararka la xidhiidha kiiskan ayaa intaasi ku daraya in Taliyaha Ciidanka Asluubtu magaalada Burco u tegay arrintaasi.
Taliye Xiirane oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino dhacdadan iyo waxa ciidan ahaan uga meel yaala, ayaanay noo suurto gelin inaanu helno ka dib markii uu ka jawaabi waayay Taleefoonkiisa gacanta ka wacnay.
Kas ama Kama ha u dhaceene Dilalka ay askarta dawladdu geystaan ayaa dadka shacbiga ahi ay dalbadaan in qofka geystay sharciga la mariyo ama loo dilo, qof gacantiisa ku baxday.
Balse dawladda ayaa sharciyan qoonta ay Ciidanku geystaan marka ay hawl-gallada ku jira inay magdhow ka bixiso xaq loogu leeyahay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com