Saturday, April 12, 2014

Caynabo: Ergada Shirweynaha Kulmiye oo Dad cusub Taageero lagaga doonayo


Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Caynaba ayaa sheegay in bulshada Gobolka Saraar laga dareemayo walaac dhanka qaybinta Ergada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ka dhalatay, ka dib markii sida uu sheegay qaybintii Ergooyinka ku soo hagaagay beelaha qaarkood Deegaano cusub oo xisbiga ku soo biiray laga foodh-yeelay.




Xildhibaan Abyan oo Waraysi kooban siiyay Gobanimonews ayaa sheegay in ashkhaas ka soo jeedda Deegaamada tabashada qabaa ay si khaldan oo aan u cuntamin wax u wadaan.




Gorgortan xoogan ayaa ka dhex bilaambay dhamaan Beelaha Ergooyinka Xisbiga loo qaybiyay, kuwaasoo dhexdooda ku loolamaya qaabka wax loo qaybsanayo.




Xildhibaan Abyan ayaa yidhi  “Walaac badanbaa ka taagan qaabka loo qaybinayo ergooyinka Shirweynaha Xisbiga uga qayb-gelaya Gobolka Saraar.




Waxaad moodaa in Beelihii Xisbiga hore u taageersanaa laga tegayo oo kuwo kale ergooyinka laga foodh-yeelayo, si taageero cusub looga raadiyo, arrintaasna waxa ka masuul ah oo aanu u tirinaynaa inay ka gaabiyeen dadka Gobolka ka soo jeedda ee Hargeysa joogga”ayuu yidhi.




Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan ayaa ka gaabsaday inuu cid gaar ah farta ku fiiqo balse wuxuu ku gaabsday mar su’aashaasi aanu wax ka waydiinay “Anigu iminka cid gaar ah farta kuma fiiqayo laakiinse waa cida Bulshada Gobolka ka soo jeeda ee Xisbiga ku metesha”.




Gobanimonews




Caynabo Office




Email: editor@gobanimonews.com