Monday, April 14, 2014

Soomaaliyad Iibinta Qudaarta Ganacsi ka bilowday 8 sanno ka hor oo Hantideedu gaadhay $20 Milyan!


Sacdiya:“maalina waa heli jiray wax aan cuno maalina waa qadi jiray.”




 sacdiyaKorad Abdi waxay ku soo kortay nolol sabool ah.




Aabaheed wuxuu dhintay iyada oo yar.




 Si ay u badbaado, qudaar ayay suuqa ku gadi jirtay iyada oo gabar yar ah.




Korad oo dadka intooda badan ay u yaqaanaan Sacdiyo may iloobin noloshii adkayd ee ay kusoo kortay. Waxay  tiri iyaddoo ka waramaysa “maalina waa heli jiray wax aan cuno maalina waa qadi jiray.”




Waxay waqti dheer ku soo jirtay xeryihii qaxootiga ee Kenya.




Waxay sheegtay markii ay dhashay gabadheeda in aysan 3 maalmood helin wax ay cunto.




 Ilaa heerkaas ayay sabool ahayd.




Sacdiyo waxay aad ugu fiicneyd cunto kariska. Markii ay imaatay Mareykanka ayaa saxiibadeed kula taliyeen in ay ganacsi ka sameyso oo gado basbaaska ay gurigeeda ku sameyso oo uu qof walba jeclaaday.




8 Sano ka dib waxay hadda madax u tahay company $20 milyan oo dollar ah. Basbaaskeeda waxaa lagu gadaa dukaamada ugu waa weyn Mareykanka. Qoraalo badan ayaa laga qoray busbaaska Sacdiyo. Dadka jecel basbaaska Sacdiyo waxaa ka mid ah wasiirka cadaalada iyo dastuurka ee dowlada Soomaaliya Faarax Cabduqaadir.sacdia




Waxaa kale oo busbaaskeeda ka hadlay duqii hore ee magaalada Minneapolis R. T. Rybak. Companigan marka lagu qiimeeyo suuqyada Mareykanka wuxuu u qalmaa $100 milyan oo dollar.




Waxay waxaas oo dhan sameysay iyada oo korsaneysa 9 caruur ah. Sacdiyo waxay dhawaan u laabatay Soomaaliya.




 Waxay aad uga soo xumaatay ugana naxday caruur yar yar oo dhibaateysan oo ay soo aragtay. 10% oo ka mid ah faa’iidada ay sameyso ayay ugu deeqdaa agoonta Soomaalida. Sacdiyo waxay weli xasuusataa noloshii adkayd ee ay kusoo kortay.




Sacdiyo waa gabar asturan oo wadata jal-abiib weyn oo ahlu diin ah.




Waxay aaminsantahay in Ilaah ka cabsigeeda iyo horumarkeedu uu isku xiran yahay.Ganacsi