Xukuumadda oo Ciidan dheeraad ah u dirtay Caawa, Bulshada oo dareenno ka bixisay iyo Sarkaalkii dilka geystay oo Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyay..GNA
Berbera(GNA)-Ammaanka Magaalada Xeebta ku taala ee Berbera ayaa lagu xoojiyay ciidamo boolis ah oo dheeraadda, sida waxa sheegay goob-joogeyaal ku sugan Magaalada.
Kolanyo Askar Booliska ka mid ah ayaa gaadhay gelinkii dambee Maanta Magaaladaasi oo saddex habeen ka hor sarkaal bilayska ka tirsani laba qof ku toogtay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawladda oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa amniga lagu xoojinayo ee si weyn looga dareemay gudaha Magaaladda.
Bulshada ayaa dareeno kala duwan ka bixisay talaabadan, waxaanay qaarkood ku tilmaameen foojignaan salka ku haysa dilkan habeenno ka hor dhacay.
Dhinaca kale, waxa maanta la aasay Maydka Gabadh afar Habeen ka hor Askari Bilays ahi xabad ku gudaha Magaalada, taasoo rasaas uu askarigu ku riday wiil Dhalinyaro ah oo dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ku dhacday.
Wiilka Xildhibaanku dhalay ayaa isagana dhaawac ka soo gaadhay rasaasta askarigu ku riday.
In la aaso Maydka Marxuumadda ayaa ka dambeysay, kaddib markii ay ka heshiiyeen Eheladdeeda iyo qoyska Ninka wax dilay ka soo jeeddo.
Labada dhinac ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in Magta Gabadhan ay bixiyaan Ninka dilay Jifaddiisu.
Sida ay Gobanimo u sheegeen dad dhacdadan xogogaal u ah, weerarka wiilka la dhaawacay oo ahaa kii labaad ee Ninka askariga ahi ku qaaddo Xildhibaanka iyo Carruurtiisa, ayaan wali heshiis waara laga gaadhin.
Kiiskan ayaa ka soo bilaambay weerar siyaasaddaysan oo sanadkii hore badhtamihiisii Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille uu ku qaaday Gaashaanle Tabaarik Cabdilaahi oo hada gacantiisa ay ku baxday Gabadha maanta la aasay.
Weerarka uu hore ugu qaaday Xildhibaanka ayaa lala xidhiidhiyay inay soo maleegeen xubno xilal dawladda ka haya oo uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan.
Cabdilaahi Abokor iyo Masuuliyiinta kale ee lagu eeddeeyay inay weerarka ka dambeeyeen ayaa dhinac isaga leexiyay dhaleeceyntaasi.
Sarkaal weerarka geystay ayaa xiligaasi inta la soo qabtay, hadana saldhiga laga sii daayay muddo yar kaddib, iyadoo aan lagu ciqaabin falka uu geystay.
Hase yeeshee wararku waxay intaasi ku darayaan in xabsiga Mandheera loo soo dhaadhiciyay maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii uu geystay dilkan dambe ee dhawr cisho ka hor dhacay.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com