Saturday, April 12, 2014

Somaliland: Buuhoodle wax Awood ah kuma lihin.."


Buuhoodle(GNA) -Maayerka  degmdda Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed,ayaa sheegay inaanu wax awood ah ku lahayn magaalada uu xilkeeda hayo isla markaana isku sifeeyay in joogitaaniisa Buuhoodle uu la mid yahay oo kaliya sida Tabliiqiyiinta intay magaalada Soo galaan dadka wacdiya ee iskaga baxa.




“Waxa Jiraa Wefti ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gaadhay magaalada Buuhoodle kana soo degay garoon diyaaadeed oo Buuhoodle loo sameeyay walina qabyo ah,waxaanay wada socdeen Nimanka Xildhibaannada ah ee ka socda Baarlamaanka Muqdisho ninka la yidhaahdo Indha-sheel ee sheegta inuu yahay waxay ula baxeen Khaatumo State,waxaana laga yaabaa in weftiyo kale oo ka imanaya Muqdisho iyo meelo kaleba inay soo gaadhaan maalmaha soo socda magaalada Buuhoodle.”Ayuu yidhi Maayerka Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed




 “Wax Tallaabo ah oo aan qaaday ma jirto meeshana wax awood ah kuma lihi oo anigu(Maayerka Buuhoodle) hal askari oo boolis ah ma lihi oo waxaan ahay kaligay,magaaladana waxaan ka ahay sidii tabliiqiyiinta oo kale oo intaa kaligay anigoo ah ayaan ku jiraa hadana wacyi galinta dadka iyo ka shaqaynta nabada.”