Monday, April 14, 2014

Guddoomiyaha HAATUF: Cambaar Ku Taalla Saxaafadda Somaliland


Gudoomiyaha Wargeyska HAATUF iyo Tifaftiraha Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaa caado iyo dhaqan u noqotay, oo uu beryahan dambe laasimay inuu qalabka warbaahinta ee uu samaystay u adeegsado sida mindida oo kale oo uu kolba qofkii lexjeclo dhex marto uu ku handadayo.




Waxa udub dhexaad u noqotay siyaasadiisa maalin dagaalka ku siman inuu baad cadaan ah ka raadsado xafiisyadda dawladda iyo sharaa’iga ganacsiga ee hadba danaha dhaqaale kaga xidhmaan.




Waxa uu Wargeyska HAATUF ka dhigay meel uu hadba ula doogsin cararo meeshii dufan iyo dhadhamo uga bidhaanto, waxaanu meel iska dhigay dhex-dhexaadnimadii ay xirfada mihnada Suxufinimo faraysay. Ayaan darrooyinka Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo wargeyskiisa haystaa waxay tahay in inta badan masuuliyiinta dawladda ee uu naqdiyaa ama uu sida gaarka ah u ugaadhsadaa ay yihiin Wasiirrada ardaayada kale ee reer Somaliland, wali taariikhda laguma hayo Wasiir ka soo jeeda beeshiisa oo uu wax ka qoray, taasina waxay ra’yul caamka Bulshadda ee waayo arraga ah u iftiiminaysaa sawir taban iyo ujeedo gurracani inay jirto.




Maalin maalmaha ka mid ah xiligii Xukuumaddii Rayaale, ayuu sidan oo kale Karbaashka ceebta iyo bustaha wasakhda leh dul dhigtay Yuusuf Cabdi Gaboobe ALLE ha u naxariistee Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee wakhtigaasi Marxuum- Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim oo ka soo jeeday degmada Dilla ee gobolka Awdal, waxa uu ku eedeeyay wax uu ugu yeedhay fadeexado musuqmaasuq iyo heshiisyo xaaraan ah oo uu Wasiirkaasi la galay shirkado kala duwan oo ajaanib ah. Si taxanne ah ayuu dhawr maalmood oo isku xig-xigay si milgaha ka baxsan u shakhsi weeraray Marxuumkaas, ka dibna inta uu Wasiirkii shir jaraa’id qabtay, ayuu Yuusuf Cabdi Gaboobe ka soo qeyb galay. Markii uu Wasiirkii ka jawaabay eedihii shakhsiga ahaa ee wargeyska HAATUF ka qoray, ayuu Yuusuf Cabdi Gaboobe inta uu qayliyay waxa uu ku tiraabay “Wasiir, waad ka been sheegtay heshiisyadan aad gashay iyo sida xaqiiqda warka aanu qornay ahaa.”




Marxuum-Qaasim ayaa inta uu aad ula yaabay oo uu ninkaas weyn iyo sida qaawacan ee uu isu soo mutuxay inta uu isbar-bar dhigay ayuu si degan, ugu hal celiyay “Haddii Yuusufoow, adigii ninka weyn laguu tirinayay aad sidan u hadlayso waxay noqonaysaa in ardaa kasta oo reer Somaliland ahi uu wargeys furto, maadaama oo aanay anshax iyo xirfadi ku hagayn.” Hadalka Wasiirka dharaartaas laga guntay waxa uu tusaale nool u yahay dhacdooyinka maanta aynu ka arkayno Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Caroogiisa uu dagaal daneedka u furtay.




Waxa Wargeyska HAATUF uu maalmihii la soo dhaafay si taxanne ah u qorayay qoraalo ujeedooyin siyaasiya iyo kuwo dhaqaale doon ah laga dhex halacsan karayay oo uu ku xajiimaynayay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaalle, Wasiirka Daakhiliga Cali Waran-cadde iyo Muwaadin Baashe Cawil Xaaji Cumar oo aan wax mansab ah ka haynin xukuumadda hase yeeshee uu dagaalka Yuusuf ku qaaday ku galabsaday kaliya waxa sodog u ah madaxweynaha iyo waxa ay isku ardaa ka soo jeedaan Wasiirka Macdanta ee uu dagaal hunguriga xaaraanta ah kula jiro.




 




 




 




Wasiirka Macdanta oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qoraaladda Yuusuf Gaboobe ay ka dhasheen ka dib markii ay u suurto geli wayday shirkad uu abbaan (Mukhalas) ka ahaa oo uu wakiil u yahay nin ay Yuusuf Cabdi Gaboobe Xidid yihiin oo doonayay in la siiyo qandaraas shiidaal baadhis ah, hase yeeshee markii la darsay Taariikhda shirkadaasi ay noqotay mid macdan qaabilsan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn shiidaal sahamin, sidaas darteed lagu war geliyay in aan la siin Karin wax qandaraas ah, maadaama ay buuxin kari weyday shuruudihii sharci ahaan looga baahnaa shirkad kasta oo doonaysa in la siiyo ruqsad shidaal baadhiseed.




Wasiirku waxa uu cadeeyay in Guddoomiyaha HAATUF ka doonayo baad cadaan, waxaanu ka sheekeeyay inaanu xataa markii uu yaraa aan baad laga qaadi jirin, maanta oo uu oday yahayna aanu aqbali Karin inuu qeyrkii baad siiyo. Waxa la soo weriyay Yuusuf inuu Wargeyskiisa la xayiray uu ka sii jeclaa in isagana loo dhaadhiyo jeelka weyn ee Hargeysa ama xabsiga magaaladda Mandheera, waayo waxa uu maanka ku hayaa inuu ka tanaadi karo shilimaad qurbaha ay kooxaha nacaybka dawladnimada ku caan-baxay uga soo dawarayaan.




Mulkiilaha HAATUF waxa uu istaahilaa in maxkamad lagu soo taago inuu cadeeyo xajiimaynta Madaxda xukuumadda iyo masuuliyiinta uu cirdigoodii iyo karaamadoodii uu ku gabood falay, isagoo ka dabo jooga inuu mukhalas ka noqdo shirkad shisheeya ah oo seedigii dibada ka soo waariday oo uu tuur iyo tarbiicaba isugu yeelay sidii uu u heli lahaa qandaraas shiidaal qodis ah, hase yeeshee shirkadaasi ay buuxin wayday shuruudihii ay ku xidhay wasaaradda macdanta iyo tamartu. Si kastaba arrintu ha noqotee waxa dadka sida dhow ula socday ujeedada Yuusuf u eryanayo Wasiirka Macdantu ay qabaan in xukuumaddu ay ka qaaday tallaabadii ku haboonayd, markii ay xayirtay wargeyskaasi Isniintii todobaadkan, iyadoo loo maray sifihii sharciga ahaa oo waraaqda xayiraada laga soo qaaday maxkamadda gobolka Maroodi-jeex. Hab-dhaqanka Yuusuf u adeegsanayo wargeyska HAATUF, ayaa ah mid fool xumo ku ah sharaftiisa isla markaana dibada u soo saaraya arragtidiisa gaaban iyo dagaal daneedkiisa sida cadceeda ugu muuqda bulsho-weynta Somaliland.




Maxamed Jaamac




Hargeysa/Somaliland