Maxaa kala haysta Jiilka cusub ee xisbigu ku tababarayo Dhaliilaha xukuumadda ee dhegeha Bulshada buuxiyay...!
Hargeysa(GNA)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo xoghayaha xidhiidhiyaha gobolada iyo degmooyinka ee xisbigaasi Cabdiqani Ibraahin Yuusuf Salaf ayaa mar kale toosh ku qabtay dhaliilo xukuumadda ay ku eeddeeyeen.
Saraakiishan ayaa eed culus uga soo jeediyay dawladda dhacdadii shalay ardayda Mudaharaadsan lagala hortegay ee rasaasta iyo xadhiga ahayd.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa Maanta waxay ku sheegeen in gabood-fal aad u fool xun loo lagula kacay Ardayda.
Sidoo kale xubanhan ayaa toosh ku ifiyay Musuqmaasuq ay hore ugu eedeeyeen Wasiirka Macdanta, kaasoo ay sheegeen inuu Lacag Shirkad Macdan baadhaysa uu xaquqalin uga qaaday wali jeebkiisa baaqi ku tahay.
Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo shirkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Shirkii jaraa,id ee u danbeeyey aanu qabano waanagii ku shaacinay in wasiirka macdanta iyo tamartu uu cadeeyo $1,800,000(hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo doolar) taas oo jeebkiisa ku dhacay oo aanu soo gaadhsiin wasaarada maaliyada kuna darin miisaaniyada, baankana aanu ku shubin, shirkii jaraa,id ee uu dhawaan qabtay waxa uu sheegay inuu $1500,000( hal milyan iyo shan boqol oo kun) ku shubay baan jabuuti ah oo macnaheedu yahay wasaarada maaliyada ayaan ku wareejiyey, waxaanan leenahay baaqiga kugu hadhay oo ah $300,000(sadex boqol oo kun oo doolar ) lagaaga hadhi maayee ku soo celi wasaarada maaliyada.”
Sidoo kale xoghaha xidhiidhiyaha gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahin Yuusuf Salaf (Kabtanka) oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa cambaareeyay xadhiga lagula kacay ardayda jaamacada Hargeysa ee maalintii shalay ka mudaharaaday lacagta lagu kordhiyey
waxaanu yidhi “Waxaanu halkan canbaaraynaynaa falkii shalay ku dhacay ardayda jaamacada Hargeysa ee ardayda lagu sigay laguna khatar galiyey, ilaahay ayaana mahad leh haddii aanay arday halkaas ku dhiman, waayo rasaas ayaa lala dhacay waxaana loo adeegsaday ciidan tababaran.
“ waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa xadhiga ardayda loo gaystay, waxaanan leenahay waa in xoriyadooda loo soo celiyaa.”ayuu yidhi.
Cabdiqani Ibraahin Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Marka loo soo noqdo musuq maasuqa aafeeyey hay’addaha dawlada, jaamacada Hargeysina musuq maasuqa way kala siman tahay laakiin iyada waxa u dheer maamul xumo aafaysay jaamacadaas, wax la maal gashadana waxa ugu fiican dhalinyarada iyo in dadka wax la baro oo ay mustaqbalka dalka toosiyaan.
marka la leeyahay jamaacadu way is bixin wayday mar hadii dhismihii jaamacadu bilaash yahay,biyihiina bilaash yihiin, laydhkiina bilaash yahay lacagta ardaydana loogu tala galay barayaasha iyo dadka kale ee ka shaqeeya la siiyo siday isku bixin wayday, waxaanay ahayd inay dawladu hoos u eegto dadkan camal la,aantu hayso ee hadana dadkoodii ku tabcaya inay wax baraan, waxaanan leenahay ardayda ha laga daayo lacagtaas.”
Xisbiga Ucid ayaa hore Eeddeymo xukuumadda ugaga soo jeediyay lacago laga qaaday shirkadaha Mashruuca shidaal baadhista iyo saraakiil ciidanka Somaliland ka tirsan oo Tababaro kula soo qaatay Talyaaniga kuwo ka socda Somalia.
Hase ahaatee Wasiirka Macdanta ayaa iska difaacay eeddaasi hore, maalin ka dib markii xisbigu tooshka ku ifiyay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com