Sunday, April 13, 2014

35 oo u xidhan Mudaharaadkii Ardayda jaamacada Hargeysa


Hargeysa(GNA) 35 Arday ayaa u xidhan Mudaharaad ay Maanta Ardayda jaamacadda Hargeysa sameeyeen, kuwaasoo 12 kamid ah ay yihiin Gabdho, sidaa waxa Gobanimo u xaqiijiyay Sarkaal bilays ah.




Ardayda ayaa ka cabanaysa lacag dheeraad ah oo lagu kordhiyay




Ardaydan oo ku jira sannadkii labaad ayaa waxa ay maanta mudaharaad ay kaga soo horjeedaan lacagta lagu kordhiyay ka dhigeen jaamacada Hargeysa iyadoo isla mar ahaantiiba ay meesha soo gaadheen ciidamo boolis ah kuwaas oo ku furay rasaas si ay u kala kaxeeyaan, balse mudaharaadka ayaa ardaydu sii wadeen halkaas oo tiro ku dhaw kontameeya arday ah lagu xidhay, iyadoo tairada rasmiga ah ee hada la soo sheegayaa ay tahay 35 arday oo 12 ay hablo yihiin