Burco(GNA)Rasaas ayaa lagu dilay nin isku dayay inuu ka baxsado Maxkamadda Burco.
Goob-joogeyaal ayaa Gobanimo u sheegay in Ninkan ku eedaysana foojarioo hore ay maxkamada Gobolku ugu xukuntay 7sano oo xadhiga ah kadibna ka qaadatay Racfaan ayaa maxkamada Racfaanka ay ku xukuntay Maanta 9sanno oo xadhig ah.
Askar Ilaalinaysa ayaa toogasho ku dilay markii uu isku dayay inuu Baxsado.
Markii xukunku dhacay ee uu maqlay go'aanka maxkamada ayuu isku dayay inuu baxsado,balse intii aanu ka baxin gidaarka maxkamada ayay cidanku asluuubtu kadaba carareen isla markaasna ku rideen Rasaas kaga dhacday sararta Dusheeda, taasoo sababtay inuu dhinto.
Dhacdadan ayaa sababtay in dhamaanba la joojiyo shaqadii ka socotay maxkamada.
Waxaana sidaa xaqijiyay Garsoore ka tirsan maxkada gobolka Togdheer.