Sunday, April 13, 2014

Liverpool oo caraabisay Manchester City,hogaankana sii adkaysatay


Kooxda horyaalka Ingiriiska hogaaminaysa ee Liverpool ayaa waxa ay sii adkaysatay hogaanka horyaalka ka dib markay ka badisay kooxda kula hirdamaysa horyaalka ee Man-city ciyaar xiiso badan oo ku dhex martay labadan kooxood garoonka Anfield ee Liverpool.




laba gool oo ay ciyaarta qaybteedii hore dhaliyeen kooxda Liverpool, balse soo laabadkii qaybta dambe ayaa man-city waxa ay la timid weerar xoogan oo ay ku keentay in ay ciyaarta ka dhigto barbaro 2-2 ah




waxa daqiiqadihii ugu dambeesay ciyaarta u suurto gashay liverpool in ay taas beeniso oo ciyaaryahanka philip coutinho uu dhaliyay goolkii saddexaad daqiiqadii 78. oo ay ciyaartu ku dhamaatay




dhanka kale waxa daqiiqadii ugu dambeysay 90 ayaa waxa kaadhka cas laga siiyay kooxda liverpool ciyaaryahankeeda jordan henderson