Tuesday, December 17, 2013

WASIIRADDII XUKUUMADDII FARMAAJO, TII CUMAR C/RASHIID, KOLKII AY DHACEEN HAL WASIIR DIB UMA SOO NOQON


WASIIRADDII XUKUUMADDII FARMAAJO, TII CUMAR C/RASHIID, KOLKII AY DHACEEN HAL WASIIR DIB UMA SOO NOQON, WASIIRADDII XUKUUMADDII FARMAAJO, TII CUMAR C/RASHIID, KOLKII AY DHACEEN HAL Cali Daacuun




Xukuumaddii hadda dhacday, way ka duwanayd, kuwa aan kor ku soo sheegay, sababta oo ah KUWANI waxay abaabuleen, saxiixeen mooshin ay leeyihiin xukuumaddii way fashilantay, waxay ILAAWEEN inay ka mid ahaayeen. Waxaan hubaa inaanay adduunyada ka dhicin wasiir ridaaya Xukuumaddii uu ka midka ahaa, HADDANA raba in dib loo magacaabo, waa MA DHACDO. Waxayna aamini doonaan inay dalka iyo dastuurkaba ay iyagu leeyihiin.




Madaxda Soomaalidu, waxay caadaysteen siyaasiyan inay ku dhaqmaan (sida ay rabaan), waxaana keenay burburkii dowladnimo oo aan laga faa’iideysan.




Baarlamaanka waxaa la keenay Qoraal dacwad ah oo lagu eedeynaayo waxqabad la’aanta 5ta wasaaradood ee ugu waaweyn xukuumaddii Saacid, sidee bay u dhici kartaa in dib loo magacaabo, iyagoo shalay kasoo bixi waayay mas’uuliyadoodii saarrayd. Haddii baarlamaanka la hor keeno oo ay ansixiyaan; waxay noqoneysaa gudan waa’ waa waajibkii uu lahaa baarlamaanku.




Qoraalkani wuxuu xambaarsan yahay dhacdooyin taariikheed oo waqti dhow ina soo maray, Maanta oo ay xukuumaddii dhacday, waxaan qabaa in Wasiiraddiina ay dhaceen lana soo celin Karin; waa haddii qaran Soomaaliyeed la rabo.




Mushkiladda jirta ee hor taalla baarlamaanka waxa weeye, Wasiiraddii lagu eedeeyay wax qabad la’aanta dib looma soo magacaabi karo, waa rag gudan waayay xilkii ay ku dhaarteen, markii uu magacaabay Ra’iisul wasaarihii hore.




Waxaa taas ka daran, iyaga ayaa ololeeyay kuna dhawaaqay in ay fashilmeen, suurtagal ma aha, wasiiraddii yiri waxba waan qaban weynay in uu Madaxweynuhu ku khasbo Wasiirka Koowaad ee cusub. Mana filaayo in Madaxweynuhu ku dirqin doono ra’iisul wasaaraha cusub, ee aan helin codkii kalsoonida baarlamaanka; Maxaa yeelay mudanayaashu waxay intooda badani isku raacsan yihiin inaan wasiiradaas dib loo soo magacaabin, waxayna XAL U TAHAY khilaafka xoogeystay ee dhex yaalla mudanayaasha baarlamaanka iyo Madaxweynahaba. Waxay kale oo ay XAL U TAHAY geeddi socodka siyaasadeed ee ku soo kordhay saaxada siyaasadda; mar haddii la magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.




Waxay kale oo ay XAL U TAHAY SUMCADDA Madaxweynaha oo hadda aan qurux badnayn.




Waxaan qabaa in wada shaqeyn fiican ay dhex mari doonto dowladda oo dhan, haddii lagu guuleysto inaanay soo noqon wasiiraddii riday xukuumaddii ay ka tirsanaayeen.




 




CUTUBKA 2AAD




Xuquuqda Xorriyaadka aasaasiga ah ee qofka iyo xaddidaadooda.




QODOBKA 18AAD




XURRIYADDA RA’YIGA IYO AFKAARTA




Qofka Kastuu wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yiga iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa xog ama afkaar si kastaba.    




Xurriyatul Qowlka waxaa ka mida, Xurriyadda hadalka, saxaafadda, iyo wax walba oo soo galaya warbaahinta elektaroonikada iyo Cilmi baarista.  




 




GABAGABO




Waxaa uga gol leeyaay inaan cuskado cutubka 2aad in Umadda Soomaaliyeed ay akhristaan dastuurka, ciddii jebisana ay ku qabsadaan; maxaa yeelay waxa ina mideeyay waa Dastuurka, ee ma aha kuwa kuraastoodii riday, haddana baadi goobaaya in dib loo soo celiyo!




Khabiir Siyaasadeed