Boosaaso(GNA):- Saraakiil garsoor oo ka hawl gala Maxkamadaha Boosaaso,ayaa caawa lagu dhaawacay qarax ka dhacay ka dib markii gaadhi ay wateen lagu tuuray bamboo gacmeded.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Gobolka Bari Bashiir Hoobaley iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Gobalka Bari Maxamuud Cadceed, ayaa waxaa Xalay lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso.
Xilli Masuuliyiintaasi ay ka sii baxayeen Xarunta Maxkamada, oo ay la socdeen gaadhi nooca raaxada ah, ayaa waxaa lagu weeraray bambo gacmeyd.
Qaraxan, ayaa waxaa ku dhimatay haweeney goob ganacsi ku laheyd halkaasi, sidoo kalana waxaa jira dhaawac 3 ruux oo shacab ahaa.
Ciidammadda ammaanka ee Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland, ayaa waxay gaadheen goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna ka wadaan baadhitaanno ay ku baadi goobayaan cidii qaraxa geysatay.
Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Puntland, oo la xidhiidha qaraxa Xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Gobanimonew/Hargeaysa/Somaliland