Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 6-qof oo sadex ka mid ah ay ahaayeen Dhakhaatiir u dhashay dalka Suuriya iyo mid Soomaali ah ayaa maanta lagu laayay Deegaanka Siinka Dheer oo 15-km dhinaca Koofureed kaga beegan Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay Weerarkan oo lagu dilay dhawr qof oo kale oo la socday afarta dhakhtar, balse waxa waddada lagu soo weeraray iyagoo ku sii jeedda dhinaca degamada Af-gooye.
Dhakhaatiirta ayaa ku sii jeeday xiliga la dilay Cisbitaal lagu magacaabo Fiqi oo ku yaala deegaankaas si ay uga soo sameeyaan Qaliimo kala duwan oo dhinacyada, Kilyaha, Cunaha iyo Haweenka, waxaana sidoo kale lala dilay Darawalkii gaariga u waday iyo mid ka mid ah ilaaladooda, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadku.
"Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa toogtay dhakhaatriirta rasaas aad u badan ayayna ku fureen, waxaana ka badbaaday hal dhakhtar oo dhaawac uu soo gaaray" ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.
Sidoo kale Goobjoogaha ayaa sheegay in kooxaha hubeysan markii ay dilka u geysteen dhakhaatiirta ay isaga baxsadeen goobta. Waxaan goobtaaas ku sugnaa ciidamo ka Tirsan Milateriga DF oo aan wax talaabo ah qaadin dilka markii uu dhacayay.
"Dhakhaatiirta dhulka ayay kusoo daateen markii la toogtay maydkooda in badan ayuu halkaas yaalay, dadku way daawacnayeen mana jirto cid wax gargaar ah u fidisay" ayuu yiri goobjooge kale oo goobta gaaray markii uu dilku dhacay.
Al-shabaab ayaa iska fogeysay inay dilkan iyadu ka dambeyso, iyadoo mid ka mid ah saraakiishooda oo warbaahinta la hadlay uu sheegay inaysan ka dambeyn iyagu dilka dhakhaatiirta, wuxuuna dilkan ku tilmaamay mid fool xun.
Madaxa Isbitaalka Fiqi oo ay ku socdeen dhakhaatiirtan Dr Cabdiraxman Macalin Fiqi oo isaguna la hadlya BBC-da ayaa sheegay inaysan ilaa iyo hada ogeyn cida dilkan geystay, isagoo sheegay in maalin dhaaf ay qaliimo uga fulin jireen Isbitaalka.
"Labadii bilood ee ugu dmabeysay ayay dhakhaatiirtan howlo caafimaad ka wadeen Isbitaalka mana jirto wax tuhun ah oo horay aan u dareenay iyo wax ay iyagu noo sheegeen, waxaana dilkan geystay kooxo doonaya cadow u ah howlaha caafimaad ee ay dalka ka hayaan" ayuu yiri Dr. C/raxmaan.
Dr. Fiqi ayaa sheegay in howlaha isbitaalku uu sii socon doono loona furay in dadka Soomaailyeed wax loogu qabto, isagoo intaas ku daray inaysan Fiqi Hospital uusan howlihiisa u joojin doonin dilka dhakhaartiirtan.
Maydadka Dhakhaatiirta, darawalkooda iyo ruuxii ilaaladooda ka mid ahaa iyo dhaawac dhakhatarka kale ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina oo ka mid ah isbitaalada Muqdisho, mana jirto hadal kasoo baxay dhinaca Dawladda oo la xidhidha dilkan.
Gobanimonews
Nairobi Office