Wednesday, December 18, 2013

Puntland: 17 Musharax oo Faroole ku diiday qaddo uu u Sameeyay iyo qodob laysku mari waayay


qodob ka mid ah 4 qodob oo musharixiintu soo gudbiyeen ayaa laysku mari la'yahay"Warbixin




Garoowe(GNA)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Madaxweyne-ku-xigeen Gen. Cabdisamad Cali Shire waxay si wadajir ah u qaabileen 17 xubnood oo u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland.




Waa kulankii ugu horeeyay ee dhex maray dhinacyadan xili doorashada wakhtigeedii soo dhawyahay.




Kulanka oo dhacay 17 Bisha oo shalay ku beegayad waxa furay Madaxweyne Farole, kaasoo soo dhaweeyay la kulanka Musharixiinta uguna mahadceliyay inay aqbaleen casumaadiisii isagoo Madaxweynaha intaa raaciyey in dhamaan Musharixiinta qado sharaf loogu sameeyey Madaxtoyadda Puntland kulanka ka dib.




Hase ahaatee dood dheer iyo falan qeyn Musharixiinta ayaa ku gacan saydhay munaasibadda qado sharafta ah ee uu u sameeyay, waxaanay ku dooddeen inaanay aqbaleyn casuumad sooreed madaxtooyada loogu sameeyay.




Dhanka Musharixiinta waxaa u hadlay Gen. Cabdullahi Siciid Samatar oo ay musharixiintu isku raaceen inuu afhayeen u noqdo.




 Samatar  ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan kulankaan Musharixiintuna ay ku yimaadeen niyad wanaag.




Mr. Cali Xaaji Warsame ayaa akhriyay 4-qodob oo ay Musharixiintu soo jeediyeen in laga wada hadlo:




1) in “wadajir loo magacaabo” Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka;




2) in la sameeyo Guddi marjac ah oo ka kooban Issimada Puntland;




 3) in goobjoogayaal maxalli ah iyo kuwo caalami ah intaba ay joogaan xilliga doorashadA.




4) in la sameeyo Wajibaadka Shaqada (Terms of Reference) ee Guddiga Ansixinta iyo Guddiga Issimada oo ay Musharixiintu soo  jeediyeen.




Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadalka ka dabaqaatay  ayaa sheegay in arrinta magacaabidda Guddiga Ansixinta ay tahay nidaam soo jireen ah iyadoo Madaxdii hore ee Puntland ay magacaabeen Guddiyadii Ansixinta ee 1998-kii, 2004-kii, iyo 2008-kii.




Madaxweyne Farole ayaa cadeeyey in xilligii uu Musharaxa ahaa sanadkii 2008-kii uu ka mid ahaa Musharixiin codsi u qoray Madaxweynihii Puntland ee xilligaas Gen. Cadde Muuse, wuxuuna hoosta ka xariiqay in codsigii aan la aqbalin iyo in Guddigii Ansixinta uu Gen. Cadde magacaabay fuliyay howshii loo igmaday ee Ansixinta xubnaha cusub ee Golaha Wakiiladda Puntland.




 




“Arrinta magacaabidda Guddiga Ansixinta waa arrin sharci ah oo soo jireen ah mana aha arrin cusub. Xataa Guddigii Ansixinta xubnaha Baarlamaanka Federaalka waxaa magacaabay Madaxtooyadda Puntland. Dowladdu kama tanaasulayso arrin sharci ah. Dhanka kale, xubnaha Guddiga Ansixinta waxay ka kooban yihiin dad isugu jira aqoonyahano, waxgarad iyo caaqilo caan ka ah deegaanada Puntland shacabkuna wuu soo dhaweeyey xubnaha Guddiga Ansixinta oo ah dad bulshada sumcad ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Farole.




 




Arrinta Guddiga Issimada, Madaxweyne Farole wuxuu sheegay in Issimada Puntland ay iyagu ka mas’uul yihiin arrimahooda Dowladda iyo Musharixiintana aysan uga furneen fursad lagu farogaliyo arrimaha Issimada Puntland, dhaqana u tahay waqti walba oo doorasho jirto ay yimadaan Magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe.




 




Dhanka arrinta goobjoogayaasha (election observers), Madaxweyne Farole wuxuu aqbalay in la keeno goobjoogeyaal wuxuuna caddeeyey inuu si rasmi ah u casumay Wakiilka Qaramada Midoobay Amb. Nicolas Kay inuu yimaado Garowe xilliga doorashada.




 




Madaxweyne Farole wuu soo dhaweeyey in la wada sameeyo Wajibaadka Shaqada ee Guddiga Ansixinta, wuxuuna ku daray qodob 5-aad oo ah in la wada saxiixo Xeerka Habdhaqanka Musharixiinta (Code of Conduct) sidii loo wada saxiixay Xeerkii Habdhaqanka ee Ururadii Siyaadeed ee barnaamijka dimuqraadiyeynta.




 




Intaasi ka dib, Musharixiintu waxay gudaha Madaxtooyadda ku yeesheen kulan gaar ah waxay soo wakiisheen Gen. Cabdullahi Siciid Samatar iyo Mr. Cali Xaaji Warsame oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Farole iyo Madaxweyne-ku-xigeen Gen. Abdisamad kulankaasina wuxuu ku dhamaaday in Musharixiintu ay isku raaceen inaan laga tanaasulin qodobka in la wada magaacabo Guddiga Ansixinta.




Intaasi ka dib  waxa dood kale ka bilaabantay  arrinta qado sharafta, taasoo 13 ka mid ah Musharixiintu diideen afarna ogolaadeen.




Mar uu maanta ka hadlay shir jaraa’id, Madaxweyne Faroole wuxuu arrin lala yaabo ku tilmaamay diidmada cuntada ee Musharixiinta.




“Musharixiintu 4-tii qodob ay soo bandhigeen 3-qodob oo ka mid ah waanu isla garanay. Dadku arrimaha qaarna way isku raacaan wixii dhimanna waa la dhamaystiraa.  Laakinse in qado sharaftii lagu casumay la diido waa arrin ka baxsan dhaqanka soo jireenka ah ee dadka Soomaaliyeed”.




Arrintan ayaa muujinaysa kala fogaanshiyo iyo Loolanka Musharixiinta oo maraya heer lagu kala shakiyo wada qadaynta ama is casuumidda.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com