17/12/2013Borama(GNA) Waxa maalinta bari la filayaa in lagu soo dhaweeyo magaalada borama ee xarunta Gobolka awdal Garyaqaan C/rashiid Nuur Oo Horey Uu ahaan jirey Madaxwaynihii Hore Dibad Wareega Awdal State iyada oo soo dhaweynta bari loo samaynayo ay dabo socoto Heshiis ay dhawaan ay badhasaabka Gobolka awdal oo Wakiil ka ahaa Xukumada Somaliland ku wada galay Dalka Dubai..
Hadaba Waxa Si Weyn Maanta looga Dareemaya magaalada Borama Ee xarunta G.awdal Soo dhaweynta balaadhan ee bari loo samaynaynayo Garyaqaan C/rashiid Nuur iyada oo aad arakayso Boodhadhka,Istiikarista iyo waliba garamaan ay ku xardhan yihiin Sawirka iyo magaca Garyaqaan C/rashiid aad ku arkayso bulshada kale duwan ee ku nool magaalada borama ay haystaan..
Shabakada wararka ee subulahanews oo wax ka waydiisay bulshada reer borama sida ay U Arkaan soo Dhaweynta Garyaqaan C/rashiid ayaa waxa ay bulshadu intooda badan ay qabtaa in ay tahay arin fiican oo loo baahnaa isla markaana noqonaysa mid sumcad iyo sharaf uu soo kordhinaysa Gobolka awdal iyaga oo ay sheegeen in ay awdal state ay tahay Mid ay Bulshadu ay Raali Ka ahayn Isla Markaana ay iyagu ay Yihiin Somalilander aan La Mawqif ahayn Kuwo Dibad Wareega Awdal State..Inkasta oo jiraan kuwo ka fikir duwan oo aan ku qanacsanayan ama kuba faraxsanayn qaabka uu isku soo dhiivay ama ula heshiiyay
Waxa bari La Filayaa in Magaalada borama ay ku soo Dhaweeyaan Madaxda Heer Gobol Iyo Heer degmo,Bulshada Kale duwan ee Ku Nool Borama,Ururada Raydka…
Si Kastaba ahaate Soo dhaweynta Bari Loo Samaynayo Madaxweynihii Hore Ee Awdal State Balse Hada ah Mid Ka Tanaasulay Mawqiifkii Dibed wareega Awdal State isla Markaana Hada ah somalilander ayaa waxa ay ku soo beegmaysa Xili Xukumada Somaliland ay Tahay Mid ku Jirtaa Nabad,Barwaaqo iyo waliba horumar dhinacyo walba leh.
Dhinaca kale waxaa bari la sugayaa su,aal inata badan dadka is waydinayaan oo ahayd ma sidaa uu buu ku egyahay heshiiska lawada galay mise waxa jira wax u qarsoon MR Rashiid oo uu ugu talo galay bulshadaa shaacana uga qaadi doono inaan wali laga wada hadlin amaba laga heshiin wixii loo Aas aasay Awdalstate mudada badana dadka loo sheegayay
Maaha markii horaysay ee xubno amisan aragti ka soo horjeeda dalka somaaliland ay dib ugu soo labtaan mudo ka badan 22 sano.
Iyada Oo ay Bulshad Reer Awdal ay Ka Go’an Tahay In ay soo dhaweeyaan Cid walba Oo Magac iyo Maamuus Ku Leh G.Awdal
Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Borama office