Wednesday, December 18, 2013

Awdal: “Qor oo ha sheegin” isku duwaha cusub ee Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.


Nin magiciisa ku soo koobay cabdi ayaa iiga sheekeeyay sheeko aad u xiiso badan oo ujeedkeedu ahayd “Qor oo ha sheegin” sheekadan ayaa ah mid ku salaysan labo wiil oo walaalo ah oo meel kuwada dhashay,kuwada koray, wax kuwada bartay ,hadaf kaliya leh, lakin markay wax wada cunayaan aan ku heshiin  cuntada, waalidkii dhalay labadan wiil markay ogaadeen arinta ayaa waxay midkiiba u soo gadaan maalin kasta cunto kala duwan oo waxa loo kariyaa labo dhari oo kala duwan, waalidkii markii ay maalinkasta sidaa yeelaan ayaa maalin maalmaha kamid ah hooyadii dhashay labadan wiil cunto isku mid ah u soo gadday, lakin arintu sidii hore ayay noqotay oo maalintaana way ku heshiin waayeen.




Mid kamid ah labadan wiil ayaa u tagay oday ka taliya deegaanka ay ku nool yihiin wuxuuna ku yidhi odaygii waxad ii magacawdaa madaxa cuntooyinka deegaanka ,odaygiibaa ku yidhi waa arin muhiim ah waanan kuu magacaabayaa lakin waxa jirta shuruud ah markaan garto inaan xilkan kaa baddalo inaadan wax jawaab ah ka keenin, wiilkii yarabaa yidhi waayahay, muddo bil ah kadib waxa uu keenay wiilkii gurigii uu degganaa cuntooyinka middii uu ugu jeclaa oo uu u bixiyay magac  u gaar ah oo uu isagu ugu yeedho,arintan ayaa walaalkii ku noqotay mid lamafilaan ah wuuna iska aamusay wuxuuna go’aansaday inuu raali ka noqdo cunto kasta oo uu walaalkii keeno, waayo waa madax cuntooyinka deegaanka.




Wiilkii xilka loo magacaabay ayaa markiiba lasoo baxay dhaqan kamid noqday nolol maalmeed masuuliyiinta xilka haysa oo ah “Jaq intaad joogto” oo macnaheedu yahay intaad xilka hayso ka faa’iidayso oo ha u tudhin ummadda. Sannadkiiba bil kaliya ayay bulshadu xisaabtantaa oo la xusaa inay cuntadu xaaraan tahay maalintii, habeenkii mooyaane, qofka maalintii si badheedh ah cunto u cunana waxa la xisaabtami doona ILLAAHAY,bishaasina waa bisha barakaysan ee Ramadan. Sannadkii inta ka hadhayna bulshadu waxay isaga mashquulaan nolol maalmeedkooda  oo lama qabto wax xus ah marka laga reebo qof ama koox  si gaar ah isku abaabusha oo todobaadkii dhawr maalmood xuskan samaysa ,kuwaasina waa kuwa si sunne ah u sooma maalmaha khamiista iyo isniinta.




Odayga xilka u magacaabay wiilkan , waxa deegaanka uga masuul ah nin magiciisa layidhaahdo AYAX,waa lawada ogyahay saamaynta AYAXA iyo sida uu xaalufka uga dhigo dhulka uu ku dego gaar ahaan beeraha,ninka magiciisa lagu sheegay AYAX waxa loogu bixiyay waa nin aad u jecel cuntada .Ninka magiciisa lagu sheegay Ayax ayaa waxa uu khalkhal ka dhex abuuray magac lagu suntayo xarun lagu kaydiyo cuntooyinka deegaanka,qofkii  ugu yeedha  xaruntan magac inuunan raali ka ahaynna wuu xidhayaa sidii boqorkii xidhaaye ee dadka iska xidhi jiray.waxa kale oo intaasi lagu daraa in Mr.Ayax shaqaalihiisa iyo shaqaalaha waaxda cuntada ku amray in magacaga uu raali ka yahay lagu sunto xarunta cuntooyinka oo waxa uu si hoose ugu yidhi shaqaalaha waaxda cuntooyinka gaar madaxa cuntooyinka deegaanka “Qor oo ha sheegin”oo macnaheedu yahay ku qor  xarunta magaca aan raali ka ahay oo hasheegin.




Dulucda iyo sheekadan markaad dhugateen waxan filayaa inaad dhandhansateen caqabadaha hor yaalla isku duwaha cusub ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.Isku duwaha  wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha waxa muddo ku dhaw 20 sanno soo hayay C/wahaab Yusuf Gadhle ,mudada uu xilkan hayay waxay dad badani iswaydiinayaan maxaa iska baddalay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha?. Dhalinyara ku nool gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Borama ayaa aaminsan inay wasaaraddu ahayd mid magac  u yaal ah,halka qaarkalena ku andacoonayaan inuu iskuduwuhu dadaalay lakin ay caqabaddu tahay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha  s/land oo ka gaabisay doorkeeda ku aaddan gobolka Awdal.inkastoo iskuduwahii hore ee wakhtigiisu dhamaaday yahay rugcaddaa in badan kusoo dhexjiray wasaaraddan hadana isku duwaha cusub ayaa loo arkaa  Nin dhalinyaro ah oo isbaddal hor leh keeni kara.




Isku duwaha wakhtigiisu dhamaaday ayaa lagu xasuustaa intii uu xilka hayay inuu ka caajisay koobkii caanka ahaa  ee loo qaban jiray kooxaha ka jira magaalada Borama,taasina waa ta keentay in gobolka Awdal marnaba  kasoo muuqan kaalmaha hore ee cup-ka gobolada s/land ,inta illaa hadda la xasuusto waxa sannadkii la qabtaa cup-caan oo la qabto bisha barakaysan ee Ramada,sannadka intiisa kale waxay dhalinyartu ku mashquushaa ciyaaro kookooban oo ay uga danleeyihiin inay ku mijo baxsadaan .waa caqabad muuqata oo looga fadhiyo in isku duwaha cusubi isbaddal hor leh la yimaaddo oo sannadkii labo jeer dhalinyarta loo qaybto cup ay ku kala baxaan,si kor loogu qaado hammigooda ciyaareed.




Ku dhawaad sannad uu socdo dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaala Borama,waxa isasoo taray dhammaadkiisa khilaaf la sheegay inuu ka taagan yahay magaca loo bixinayo garoonka kubadda cagta oo markii hore looyaqiinay Biroole hase ahaa intaanan la dhisin uu ku yiillay boodh uu ku qoran yahay Abwaan xasan sh.muumin.Goroonka oo hadda dhismihiisu gabogabo ku dhaw yahay ayaa waxa suuqa iyo meelaha dadku ku qaxweeyo lagu falanqaynayaa in garoonka hadda loogu magacdaray X.Daahir Cilmi,Taasina waxa markhaati looga dhigayaa Albaabka garooka oo lagu xardhay magaca X.Daahir cilmi,waxa kale oo qoyska garoonkan bixiyay ku andacoonayaan inuu maayarka degmada Borama si sharci ah ugu saxeexay warqad caddaynaysa in garoonka loogu magac daray X.Daahir Cilmi.




Mayarka Borama ayaa la sheegay inuu  garoonka magac u bixintiisa khalkhal wayn ka dhex abuurayo oo uu  olole dheer ugu jiro in loogu magac daro Abwaan xasan sh.muumin ,qofkii garoonka ugu yeedha X.Daahir Cilmi uu xabsi ku mutaysanayo sida dhawaan ku dhacda weriye garoonkan ugu yeedhay X.Daahir Cilmi oo ku dhawaaday inuu xadhig ku mutaysto, waxana la odhan karaa, iskuduwe “Qor oo ha sheegin” taasi oo macnaheedu yahay garoonkan waxa sifo sharci ah  loogu magac daray X.Daahir cilmi lakin lama shaacinayo ama lama sheegayo oo isku duwuhuna kama hadli karo, mar haddii mayarka Borama u hanjabayo weriye garoonka ugu yeedhay garoonka X.Daahir Cilmi.




Magac u bixinta garoonka ayaa laga cabsi qabaa inay abuurto isku dhac u dhaxaysa labada qoys ee ay kasoo kala jeedaan labada Oday ee loogu magac darayo garoonka,waayo waxay dad badani aaminsan yihiin in  maayarka Borama ku rajo wayn yahay inuu rumeeyo hammigiisa ah inuu mar uun arko garoonka oo loogu yeedhayo Abwaan xasan Sh.muumin, halka qoyskii bixiyay garoonka ay u ololaynayaa inay mar uun arkaa Aabbahood oo garoonka loogu magac daray,lakin hirgalin in la helo magac rasmi oo uu garoonkani yeesho waxa fududayn kara oo ay masuuliyaddiisa tahay Iskuduwaha cusub oo looga fadhiyo inuu arintaasi si dhakhso ah usoo afjaro. Su’aashu se waxa tahay ma ka guulaysandoonaa mise sidii iskuduwihii hore ayuu warkiisu noqon doonaa “Qor oo ha sheegin”?




Mursal  E.Omer                                                                                           




Suxufi Madaxbannaan




Mursalcilmi@gmail.com