Saturday, December 14, 2013

Gudida Qaban-Qaabada Shirwaynaha SAMATALIS Ee Beelaha Bahabar Muuse Oo Lagu Dhawaaqay


Borama(GNA) Waxa maanta lagu dhawaaqay gudida qabanqaabada shirwaynaha SAMOTALIS ee beelaha Bahabar Muuse ee gobolka Awdal, gudidan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxa lagu shaaciyay shir jaraaid oo ay qabteen waxgaradka beeshaasi oo uu horkacayo Sul. Abshir Maxamed Ducaale.




Suldaanka oo ka halday shirkaasi Jaraaid ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan maanta ku dhawaaqaynaa gudidii qaban qaabada ee shirwaynaha SAMOTALIS ee beelaha Bahabar Muuse ee gobolka Awdal, gudidan oo ka kooban 11 xubnood, waxana gudoomiye u ah Md. Xuseen Nuur Kooshin (MALAW), waxana ay tahay gudi aan rabno inay salka u dhigto oo ay dadajiso qabanqaabada iyo qabsoomida shirwaynaha beelahan Bahanarmuuse, sidoo kale shirka waxaan ugu magac darnay SAMATALIS, waxana uu ka dhici doonaa magaalada Lughaya taariikhdu marka ay tahay 31ka bishan Disember ee 2013.




Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha SAMATALIS Md. Xuseen Nuur Kooshin (Malow) oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xusay in hawsha taalaa ay aad u balaadhan tahay, isla markaana ay dadaal u gali doonaan qabsoomida shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ka dalbaday dhamaan qurbojooga beelahan inay kordhiyaan xidhiidhka gudaha iyo kala warqaadashada mudada ay socoto qabanqaabada shirwaynahu isaga oo hoosta ka xariiqay in iskaashigu uu yahay midka suura galin kara in laga midho dhaliyo arinta shirwaynaha iyo arimaha kale ee ku aadan aayo ka talinta beelahan.




Gudida qabanqaabada ee la magacaabay





  1. Xuseen Nuur Kooshin Malaw (Gudoomiye)


  2. Prof. Aadan Diiriye Dixood (Xoghaye)


  3. Chief Caaqil Cumar Cali Jibriil (Xubin)


  4. Cabdi Nuur Camir (Xubin)


  5. Xuseen Cige Ceelaabe (Xubin)


  6. Cismaan Xasan Rooble (Xubin)


  7. Cabdiraxmaan Xasan Cabdale Beerati (Xubin)


  8. Maxamed Muuse Camuud (Xubin)


  9. Maris Daahir Halas (Xubin)


  10. Cabdikarin Muse Rabiile (Xubin)


  11. Muuse Ceelaabe Abaar (Xubin




Gobanimo news.com




Borama/somaliland




By Wariye Mustafe caraale