Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada shalay oo ahayd 30-kii bishii September ee aynu soo dhaafnay.
Wafdiga wasiiradda ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,
Booqashada wasiiraddu ay ku tagtay dalka Canada ayaa waxay qaadanysaa saddex maalmood, iyadoo lagu wado inay maanta oo Salaasa ah ay kulan la qaadato wasiirka arrimaha dibadda Canada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.
Fowziyo ayaa waxay noqonaysaa mas’uulkii ugu darrajada sarreeyay oo ka socda dowladda Soomaaliya oo gaara dalka Canada tan iyo markii uu dalku ka baxay xilligii KMG ahaa sannadkii hore.
Wasiiradda ayaa waxay ka mid ahay wafdigii uu horkacayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ku marayya booqashooyin dalal ku yaalla Yurub iyo Mareykanka