Tuesday, October 1, 2013

Cisbitaalka Burco oo lagu soo rogay Lacag iyo Dawada macaanka oo Bilaash lagu bixinayo


“Shaqaalaha cabanayaa maaha kuwo wasaaradda u diiwaan-gashanaa ee waa kuwii MSF ka guurtay” Isuduwaha Caafimaaadka




Burco(GNA) Masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer iyo Maamulka Gobolka Togdheer ayaa shalay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Burco waxay kaga hadleen Cabasho kasoo yeedhay Xubno sheegay in dhimis lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalihii ay ka baxday Hay’adii MSF, shaqaalahaas oo sheegay inay qaar iyaga ka mid ah ay wasaaradu qaadatay, isla markaana xubnahaas cabanayay ay ku sifeeyeen in iyaga  dhimistooda loo maray qaab khaldan.




Madaxda Wasaarada Caafimaadka iyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka ayaa iyagu eedaas iyo cabashadaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin waxaanay masuuliyiintan shirka jaraa’id qabtay sheegeen in aanay Xubnahan cabanayay aanay ka mid ahayn shaqaalaha wasaarada isla markaana ay ahaayeen shaqaalihii ay qaadatay Hay’adii MSF ee baxday, isla markaana aanay wax shaqaale ah oo wasaarada u liistaysay aanay dhimin.
waxaana shirkan jaraa’id ugu horayn ka hadlay Badhasaab ku Xigeenka ahna Ku-simaha Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle)’waxaana hadaladiisii ka mid ahaa” Arintan markii ay soo baxday aad baanu u daba galnay waxaan cadaynayaa oo ay gabagabadii noqotay in dadkaas la dhimay ay yihiin dadkii aan ahayn kuwii wasaarada u liistaysnaa ee ay yihiin kuwii ay ka guurtay hay’adii MSF, waxaanay ahayd inay hadii ayba wax ka maqan yihiin ay wasaarada iyo anagaba u yimaadaan, manay ahayn in iyagoo aaan noo iman inay cawdaan oo warbaahinta tagaan ayuu badhasaabku yidhi.
Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Cabdi Yaasiin oo isna shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa isna waxa uu yidhi”shaqaalihii wasaarada iyo Hay’ada shqaalaha u qornaa wax shaqaale ah oo aanu dhinay ama reebnay ma jirto laakiin shaqaalihii MSF dee maalintii kontaraagoodu ka dhamaaday oo nin walba Xuquuq wixii uu lahaa way siisay, kaliya waxaa jira qaar ka mid ah baa Cusbitaalkii u baahday oo la qaatay qarashkoodana ay dawladu bixinayso kuwaas la qaatayna waxaa loo qaatay sidii loogu kala baahnaa iyo sidii ay u kala shaqo wanaagsanaayeen oo sadex wasiir Maamulka Gobolka iyo wax garadka reer Burco intaasoo dhan baa isu yimi oo hawshan isla meel dhigay, anaguna ka wasaarad ahaan waxanu masuul ka nahay intii dawlada u shaqaynaysay wax shaqaale ah oo Cusub oo aanu qaadanay ma jirto. isuduwuhu isagoo ka hadlaya lacag lagu soo rogay beeshinka waxa uu yidhi ”Cusbitaalka waxa jira lacag yar oo lagu soo rogay oo ay duruufi keentay iyadoo la tix galinayo wixii aan kari  karayn een awood u lahayn inay iska bixiyaan.
Isu duwuhu waxa kale oo uu sheegay inay  hayaan dawo macaan nooca iraabka ah oo bilaash ah waxaanu Bulshada ugu baaqay inay Cusbitaalka u soo doontaan.
Ugu danbayntii waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Cusbitaalka Magaalada Burco Dr- C/qaadir Muruq-liqe waxaanu sheegay in aanay jirin wax shaqaale ah oo cabshadooda usoo Gudbiyay waxaanu Xubnaha cabanayay ugu baaqay inay wakhtigooda Sugaan isla markaana ay dhawraan fursadaha danbe.