“Waalidka oo ka walaacsan Go’aanka Maamulka waxbarashadu soo rogay oo Berri ku beegan iyo Maamulka Gobolka oo ku tilmaamay meel ka dhac”
Berbera(GNA)-Maamulka Waxbarashada Gobolka Saaxil ayaa bilaabay Talaabo aan hore uga dhicin Gobolka Saaxil iyo guud ahaan Somaliland islamarkaana laga yaabo in ay kacdoon shacbi ka abuurto magaalada berbera Waxaanay Guud ahaan ardayda Dugsiyada Waxbarashada ee dawlada Ku amreen in ay maalinta bariya ee bishu tahay 30.10.2013 uu arday kastaa keeno Lacag xadigeedu yahay 2 dollar oo ay sheegeen in ay qeyb katahay lacagta tabarucaadka dhismaha wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhi doonta.
Talaabadan ay Maamulka Waxbarshada ee gobolka Saaxil ku amreen ardayda Dugsiyada ayaa fajac iyo ama kaaga ku noqotaya waalidiinta ardayda wax ka dhigata Dugsiyada dawlada ee magaalada berbera kadib markii ay caruurtoodu gaadhsiiyeen fariinta ay soo fareen macalimiinta wax udhigtaa Maanta.
Sida ay Qaar kamida waalidiinta ardaydaasi noo sheegeen waxa loogu hanjabay ardayga aan keenin lacagtaas in aanu iskuulka fooda soo galin doonin islamarkaana la eryi doono.
Dhinaca Maamulka waxbarshada gobolka Saaxil oo aanu wax ka weydiinay lacagtan khasabka lagaga doonayo ardayda dugsiyada waxbarshada ee gobolka Saaxil ayaa qiray jiritaanka lacagtaasi.
Isuduwaha Wasaarada Waxbarshada gobolka Saaxil Ibraahim Digaale ayaa sheegay in ay amarkaas maamulayaasha dugsiyada fareen lacagtaasna ay tahay mid loogu deeqayo dhismaha wada hadal haynteedu baryahan danbe badatay ee isku xidhi doonta magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.
mar aanu sii weydiinay cida awooda intaa le’eg siisay in uu ardayada danyarta u badan lacagtaas ku khasabo ayaanu si cad uga jawaabin.
Dhinaca maamulada gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera oo aanu iyagana khadka tilifoonka kula xidhiidhnay si aanu arintan wax uga waydiinay, ayaanu henlay Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamud Xassan(Cidin)iyo Kusimaha gudoomiyaha gobolka Saaxil ahna gudoomiye kuxigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, kuwaasoo aanu wax ka weydiiinay talaabadan lacagta khasabka lagaga doonayo ardayda.
Masuuliyiintan ayaa si iskumida u sheegay inaanay dhici karin in ardayada lacag tabarucaad ah oo khasab ah lagaga joojiyo waxbarshada maamulka waxbarashada ee gobolka Saaxilna aanu talaabadaa qaadi karin hadii uu isku dayana ay talaabo ka qaadi doonaan,
Waalidiinta ardayda dugsiyada berbera wax ka barta ayaa iyagu sida ay caawa noo sheegeen ka soo horjeestay lacagtaas iyaga oo sheegay in ay maalinta bariya abaabuli doonaan mudaharaad ka dhan ah wasaarada waxbarshada Somaliland taaas oo ay ku mujinayaan tacadiyada lagula kacayo ardayda hore Xukumada somaliland ugu sheegtay in laga dhaafay lacagtii feega iskuulada
Talaabadan lacagta khasab ka ah lagaga doonayo ardayda dugsiyada berbera wax kabarta ayaa kusoo beegmaysa xili uu Maamulka Dekeda berbera maalintii shalay shaqaalaha dekeda mushaharkooda kaga jaray lacag aan lagala tashan oo lagu sheegay tabarucaad oo qofka shaqaalaha ah ee ugu lacagta yar laga jaray lacag dhan 50,000 s.l. shilin ah, taas oo ay si weyn uga biya diideen shaqalaha dekedu balse aanay cabashadooda soo bandhigin iyaga oo ka baqe qaba in ay maamulka dekeda oo lagu yaqaan aargoosi uu shaqada ka joojiyo, inkasta oo kalsoonida shaqaalaha dekeda berberana tahay mid iskaba liidata oo hore loo dishooday.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore lacago qaadhaan ah uga Uruurisay Ardayda Dugsiyada waxbarashada ee Hargeysa, kuwaasoo lagu abaabulay ardaydu inay bixiyaan lacag dollar ah oo ay kaga qayb-qaadanayaan Mashruuca dhismaha Waddada ceerigaabo iyo Burco.
Laakiinse may dhicin inta la ogyahay in hore ardayda loogu khasbo bixinta lacag tabaruc ah, taasoo ugub ku ah, isla markaana hadii ay isku dhac keento kalsooni badan ka lumen doonta dadka ku foogan mashruucaasi.
Gobanimonews
Berbera office
Email: editor@gobanimonews.com