Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa degmo u magacaabay Tuulada Awr-boogeys oo ku taala Xuduudka Goboladda Sool iyo Sanaag, horena u tirsanayd degmada Xudun ee Gobolka Sool.
Madaweynaha ayaa Degmadan hoos geeyay Gobolka Sanaag, waxaanay tani ka dambeysay khilaaf ka dhexeeyay Bulshooyinka deegaanka oo ku muransanaa muddo dheer.
Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu wareegto madaxweyne ku magacaabay degmonimada Awr-boogays.
Waxaanu Warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay
JSL/M/XERM/249-2096/102013 uu degmo ugu magacaabay Awr-
boogays oo ka tirsan Gobolka Sanaag.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-bedelidda Qaab-dhismeedka Dalka.
Markuu Tix-geliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka.
Markuu Tix-geliyey: Baahida loo qabo in Degmada Awr-boogays loo magacaabo Degmo cusub.
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday
In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag”ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada.
Degmadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Madaxweyne Siilaanyo degreeto ku magacaabo tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaanay arintani ku soo beegmaysaa xili aan wali la kala xadeyn Goboladda iyo degmooyinka waddanka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com