Tan iyo maalintii uu madaxwaynaha uu dalka ka ahaa ina Cigaal,Daahir Riyaale iyo Madaxwayne Siilaanyo oo hada isagu ah hogaamiyaha Somaliland,
Dawladda Somaliland mudanii yareed ee ay talada dalka haysay wax badan oo la taaban karo way qabatay,islamarkaasina waxay horumar balaadhan ku samaysey qaybaha kala duwan ee adeegyada bulshada ama Wax qabadkii dowlada madaxweyne ahmed siilaanyo seddexdii sano ee u danbeeyay ee xilka ay haysay oo noqday mid amaan iyo shukri badana ku muteysatey waxaana looga fadhiyaa dowlada in ay sii labanlaabto si ay ugu guuleysato marlabaad doorashooyinka madaxwenenimo ee dalka ka qabsoomi doona,, waxqabadkan oo ka mid ahaa ballan qaadkii qoraalka ahaa ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE uu ku galay olalihii doorashadii.
Waxa kale oo aan ilaa hada is waydiinayaa siyaasiyiinta Somaliland waxan gelinba cayn ka dhigay xagee ayaa loogu soo hagaagi doonaa ma kulamada qaranka Somaliland mise kuwa Somali wayn hore ayaa looga hayey aniga Xaskaygu muwaadinad maaha, hadana waxa laga hayey waxa aan la qaatay Madaxda Somaliya kulan casho ah iyada oo aan layga dalban weliba oo aan anigu qasbay mana uu sheegin waxa ku kelifay meel aan laga marti qaadin in uu qasbo waxa shidaayey waynaayaa kaarka hayeyse muxuu ahaa tolow
Hadaba waxa lays waydiinayaa waa kuma ninka ay dadwaynahu uyaqaanan siyaasiga runta ah,iswaydiinta kale se waxay tahay ma waxa siyaasiga Somaliland loo yaqaanaa,ma waxa weeye ninka dadka caaya,ma ka marfishka iyo meelaha lagu qayilo kaga sheekeeya bara bogaadada iyo reer hebalbaa sidaa yidhi,
Hadaba ninka isku magacaabay siyaasi ayaan ahay ama mucaaradkii dalka ayaan matalaa oo madaxda iyo masuuliyiinta ayaan ilaalinayaa oo hantida ummada iyo xaqooda ayaan u doodayaa ma ka dhabaa mise dan uu isagu leeyahay ayuu wataa oo rabaa inuu fushado dariiq ka dhiganaya xaqii shacbiga ayaan u soo dhicinayaa
Balse runtu waxay tahay ma jiro wax siyaasi ah oo Somaliland wakhtigan jooga ama ka jira oo dan ummadeed iyo mid wadanba ilaalinaya bal se waa nin isagu dantiisi iyo ta reerkiisa fushanaya,
Maxaa yeelay waxa jira ninam isku sheega siyaasiin ayaanu nahay markaa siyaasi isku sheegu ma waxa weeye kan Habeen oo dhan cayda iyo aflagaada shaqsiyadaysan ku haya masuuliyiinta talada haya ee shacbiga Somaliland soo doortay,ee hadana marka uu waagu baryo ku soo kala-haya xafiiska wasiirka madaxtooyada ee Md,Xirsi iyagoo raba inuu arko ama shaxaado,bal markaa goorma ayuu miyir qabaa siyaasigeenu goorma ayuu waalan yahay Xirsina Waa wasiirka kaliya ee xafiiskiisu u furan yahay wakhti kasta oo aad doonto
Waxa halkaasi inooga cad inaanu jirin nin siyaasi ay oo mabda leh oo ay dadku ku raacaan fikirkiisa iyo odhaahdiisa,islamarkaasina saamayn ku yeelan kara siyaasada dalka oo wax ka badali kara dareenka shacbi waynaha mana lihin siyaasi kaliya oo wada danta ummada uu wax ka rabo,ee waa nin isagu wata tiisa oo doonaya sidii uu hirgashan lahaa.
Waxa aan su’aasha jawaabteeda u dhaafayaa bulshada iyo dadka wanaagsan ee iyagu jecel horumarka, isku duubnida,horumarka,ilaalinta nabad galyada iyo wada nolaansha,ayaan u dhaafayaa inay gartaan cida u daacadda ah dantooda ee hadh iyo habeenba heeganka u ah
Waxa loo baahan yahay in dhalinyarada wadanka ee wax soo bartay laga badbaadiyo tahriibka iyo aafooyinka la soo gudboonaada oo marka ay dhaliyaradu ay wax soo bartaan in loo taliyo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhliyaradu inta ay waxbaranayaan way inaga maqan yihiin, laakiin marka ay waxbarashada soo wada dhameeyaan ee ay dugsiyada dhexe ka soo baxaan, ee ay dugsiyada sare ka soo baxaan, ee ay jaamacadaha ka soo wada baxaan ee ay isasoo tubaan, khatar badan baa halkaa ka soo jeeda haddii aan loo talin.”
Hadaba waxa aan shacbi waynaha reer Somaliland u soo jeedinayaa in ay ka foojignaadaan ninka siyaasi isku sheega ah ee isagu doonaya inuu ku meel marsado waxa uu rabo,isla markaasina ay ka foojignaadaan waxyaabaha wiiqaya nabad-galyadooda,horumarkooda ana wax u dhimi kara wada noolaanshahooda,markaa waxaan idiin soo jeedinayaa inaad la jaan qaadan waxqabadka ay idiin wado xukumaddiinu
Maxamed C/Raxmaan Du’caale
Wakiilkii hore safiirka Yamanta Sanca ee Dawladii Riyaale