Wednesday, October 2, 2013

Waddaama-goo: Dugsiga Dawlada oo u xidhmay Khilaaf ka dhashay Lacag Maamulku ku soo Rogay Ardayda oo Waalidku diiday


Caynaba(GNA) iyada oo xukuumaddu hore ugu dhawaaqday in lacagtii waxbarashada ay ka dulqaaday dugsiyada hoose dhexe ee dalka ka dib ballanqaadkii xisbiga Kulmiye ku galay tartankii doorshadii madaxtooyada.




In muddo ahna si hoose loo hadal hayey in gobolada Somaliland qaarkood laga qaado lacagtii waxbarashada ee xukuumaddu ku dhawaaqday, taas oo macalimiinta iyo maamulada dugsiyada lagu eedaynayey inay lacagtii waxbarashada oo wajiyo badanleh ka urursadaan ardayda.




Dugsiga hoose dhexe ee magaalada Wadaama-goo oo ka mid ah tuulooyinka  gobolka saraar, ayaa waxaa maalmahan dambe ka taagnaa buuq ka dhex dhashay waalidiinta iyo maamulka dugsigaas oo isku maandhaafsan bixinta lacagta waxbarashada ee xukuumaddu bilaashka ka dhigtay.




Dugsigan ayaa xidhnaa todobaadkii ugu dambeeyey iyadoo is marin-waa culusi ka dhex dhashay maamulka oo amar ku bixiyey in ardayda laga qaado 10.000 slsh ah halka waalidiintii ardaydu ay diidmo kala horyimaadeen arrintan.




Khilaafkan ayaa wuxuu gaadhay in maamulka dugsiga wadaama-goo ardayda ugu khudbadeeyaan inay cuntada ka soomaan si waalidiintooda ay cadaadis ugu saari lahaayeen aqbalaada bixinta lacagta dhigashada iskuulkaas.




In badan ayay soo jiitamaysay xanta ah in iskuuladii xukuumaddu lacagta ka daysay ay dib u bilaabeen lacag ururin magacyo kala duwan leh sida gobolka togdheer oo aad arinta looga warhayo.




 




Siyaad Farah




Gobanimonews