Stanbul(GNA)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminaayo ayaa si rasmiya u cago dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada qadiimiga ah ee istanbuul.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa habeenkii xalay halkaasi ka degay waxaana ku qaabilay kuna soo dhaweeyey garoonka masuuliyiin ka tirsan dawladda wadanka turkiga, waxaana weftiga madaxweynaha la dejiyey hotel loogu talo galay.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo la kulmo Raysal-wasaaraha iyo madaxda kale ee wadankan Turkiga.
Weftiga ayaa shalay ka dhoofay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa, waxaanu beegsaday socdaal dheer oo la sheegay inuu wadamo badan ku maro doono.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com