Wednesday, October 2, 2013

Hargeysa: Madaxweyne ku-xigeenka oo ka qayb-galay Xaflad qalin jabin ah


Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta waxa uu Ardayda Jaamacada Alpha University ee Hargeisa kala qayb-galay Xaflada Qalinjebinta Jaamacada oo ay ardaydu soo dhamaysatay muddo saddex sano ah oo ay wax ka baranayeen.




Madaxweyne ku xigeenku ayaa Ardayda Guddoonsiiyay Shahaadooyinkii loogu talo galay, waxaanu dhinaca kale  guddoonsiiyay Abaalmarino kala duwan oo ay ardaydaasi ugu talo galeen Maamulka jaamacadu.




Madaxweyne kuxigeenkuna waxa uu ardayda halkaasi uga soo jeediyey hadalo dardaaran iyo waano ah isaga oo ku dhiiri geliyey inay Waxbarashadadooda halkaasi ka sii wadaan oo aanay ka caajisin.




Ogaadaana in ay hada uun madaxa la galeen waxbarashada dhabta ah ee dalka iyo dadkuba u baahan yihiin.




Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Maamulka Jaamacadda Alpha, siyaasiyiin wax-garad, madaxdhaqameed iyo xubno aqoonyahano ah, kuwaasoo talooyin iyo hadalo kale oo dardaaran xambaarsan halkaasi ka soo jeediyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com