Wednesday, October 2, 2013

USA: Congress-ka oo diiday Ansixinta Hindisaha OMABA CARE iyo Aqalka cad oo sheegay in Dhaqaalaha dawladu Dhulka galay, Mushaharkuna Isdhimayo


 Washington(GNA)-Labada Aqal ee Congress-ka Maraykanka ayaa Diiday meelmarinta Sharci Miisaaniyadeedka dawlada Maraykanka iyo Barmaamujka Caafimaadka ee “OBAMA CARE”.




Xalay Xili dambe oo ayay xidhanay  Khasnadaha Bixiya lacagaha dowladda Mareykanka ay ku shaqeyso, ka dib markii   labada aqal ee Congresska ay ku guul dareysteen inay ku heshiiyaan hal sharci miisaaniyadeed iyo sida laga yeelayo barnaamijka Caafimaadka ee Hindisihiisu uu leeyahay Madaxweyne Obama.
 
Gelinkii dambe ee isniintii shalay ayaa xubnaha aqalka congresska ee ay ku xooganyihiin Jamhuuriyiitu ay ansixiyeen sharci miisaaniyadeed kale oo dib u dhigis ku sameynaya dhaqangelinta barnaamijka caafimaadka ee Madaxweyne Obama ee loogu yeero “OBAMA CARE “
 
Aqalka Senate oo ay isna ku xooganyihiin xubnaha Dimuquraadiga ayaa diiday sharcigaasi daqiiqado ka dib markii loo gudbiyay. si la mid ah sidii dhacday gelinkii hore ee isniintii shalay.Shaxda saameynta Go'aanka joojinta Barmaamujkani yeelanayo
 
Ismari waagan ayaa keenay in shaqooyinka dowladda oo dhan ay istaagaan , marka laga reebo adeegyada qaran ee lagama maarmaanka ah.




Arintan ayaa sidoo kale sababaysa in Boqolaal kun oo ka mid ah shaqaalaha dawladu Mushaharkooda waayaan oo shaqo dhimis la sameeyo.




Aqalka cad ee Maraykanka ayaa si weyn arintan uga biyo diiday, waxaanay ku tilmaamayaan caqabad soo foodsaartay horumarka waddanka, saameyn balaadhana ku yeelan doonta dhinacyada ganacsiga, Caafimaadka, Shaqo abuurista iyo dhismayaasha.




“Xafiiska dhismeyaashu wuu xidhmayaa, mushaharka shaqaaluhu wuu isdhimayaa, Adeegyada Hooyada iyo Caruurtu wuu liidanayaa, Ganacsiguna wuxuu luminayaa macaamiil badan oo wuu yaraanayaan”sidaasi waxa qoraal ogaysiis ah ku bixiyay Madaxweyne OBAMA oo canaanta ugu weyn saaray laba aqalka ee Congress-ka.




Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inarintani samayn doonto Ganacsiga yar yar, Dalxiiska iyo dhamaan Kaabayaasha dhaqaalaha ee waddankiisa.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com