Hargeysa(GNA)-Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa Maanta Xoriyadiisa u soo celisay Sheikh Siciid Axmed Jaar oo ilaa bishii August dabayaaqadeedii u xidhnaa tuhunno la xidhiidha Argagixiso, lagana soo qabtay Magaalada Burco, isaga iyo dhawr qof oo kale.
Qoraal uu soo saaray wasiir ku-xigeenkii hore ee Ganacsiga ee Xukuumaddii Rayaale Cabdixaliim Maxamed Musue oo ka mid ah Ehelada Sh. Siciid Axmed Jaar, ayaa lagu xaqiijiyay in sheekhu xoriyad ku helay hab Caddaalad ah.
Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan “Anigoo ku hadlaya magaca Ehelka Sh. Siciid Axmed Jaar waxaan halkan uga mahad celinayaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee Amniga, Bahda Garsoorka iyo guud ahaanba Xukuumadda JSL soo daynta Sh. Siciid Axmed Jaar oo taariikhdu markay ahayd 21 August laga soo xidhay gurigiisa magaalada Burco.
Maanta oo taariikhdu tahay Salaasa, October 1,2013 waxay Makamadda Degmada ee Hargeysa caddaysay in baadhis dheer ka dib lagu waayay Siciid Axmed Jaar tuhmaddii loo soo xidhay, waxaanay isla markaana ka raali galisay muddada uu tuhmaddaa u xidhnaa ee baadhistu socotay.
Waxaanu caddaynaynaa in Sh. Siciid A. Jaar helay caddaalad, waxaananu Masuuliyiinta Amniga iyo Maxkamadaba ka rajaynaynaa in sida naloo ballanqaaday wiilkii dhalinyarada ahaa ee Sheekha la xidhnaa Ismaaciil Cabdilahi Cabdille isagana isla wiigan Maxkamadda la horkeeni doono kana filayno inuu caddaaalad la mid ah heli doono.
Waxaan kaloo halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo ka hawlgashay soo daynta Sheekha, gaar ahaan Odayaasha reer Burco ee muddada bisha ka badan Hargeysa ugu sugnaa soo daynta Sh. Siciid iyo Ismaaciil Cabdillahi, Guddiyadii kala duwanaa ee uu la shaqayn Burco. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa iyada oo ay waajibkiisa ahayd Chief-ka guud ee HY Md. Ahmed Keyse Mohamed Daahir oo aan maalin ka nasan hawshaa.
Allaa Mahadda Kowaad leh
Cabdi Xaliim Maxamed Muuse
Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Ganacsiga