Wednesday, October 2, 2013

Boqor M. Nuux: Madaxdhaqameedka Gobolka Sanaag waxa ka go’an inay Laamiga Ceerigaabo uga soo qaadhaamaan Miyiga iyo Magaallooyinkaba”.


“Amaanka Gobolka Dhaliilo fara badanbaa ka muuqda, Bilayskuna waxay ku deg-degeen Hawl-galkii Askarigu ku dhintay”Boqor Maxamed Nuux Cigaal.




Hargeysa(GNA)-Madaxdhaqameedka Gobolka Sanaag ayaa isu abaabulay hawl-gal ay doonayaan inay qaadhaan ugu uruuriyaan laamiga Jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo dhawaan Madaxweynuhu dhagax dhigay, shalayna Guddi dhaqaale uruurineed u saaray.




Madaxdhaqameedyada ayaa doonaya inay Mashruucan kaga qayb-qaataan sidii ay bulshada Magaalooyinka iyo kuwa Miyigaba ugu baraarujin lahaayeen kaalinta kaga aadan hawshan, isla markaana qaadhaan Mood iyo Noolba ah ugu darsan laahayeen.




Talaabadan ayaa Dhiiri gelin u noqonaysa qorshaha dawladu ku doonayso inay ku hir-geliso mashruucaasi oo Lacag badani ku baxayso, marka la eego Baaxadiisa oo ah 375KM oo la doonayo in Laami laga dhigo.




Boqor Maxamed Nuux cigaal oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland ee ka soo jeedda gobolka Sanaag, ayaa Wariye Saleban Cabdi Cali oo ka tirsan Mareegta Gobanimonews iyo Wargeyska Dawan uga waramay waxa uga qorsheysan Isimadda Gobolka dhismaha Laamigan oo uu ku tilmaamay guul u soo korodhay Bulsahda Reer Sanaag iyo Somaliland oo dhan.




 “Dhismaha Waddada Ceerigaabo waa Guul weyn oo Umadda Somaliland oo dhan u soo kordhay, gaar ahaan reer,taasoo balanqaadyo badan naloo sameeyay intii Somaliland jirtay, balse Ilaahay Xukuumaddan madaxweyne Siilaanyo ku guuleeyay, markaa waa soo dhaweynaynaa, waana arin somaliland oo dhan anfacaysa”ayuu yidhi.




Boqor Maxamed ayaa sidoo kale sharaxay talaabooyin ay hawshan kaga qayb-qaadanayaan oo ay isu abaabuleen, waxaanu yidhi “annaga madaxdhaqameed ahaan, waxaa noo qorsheysan laba arimood oo kala ah Baraarujin iyo inaanu qaadhaan uruurin u samayno oo aanu xoolo u soo Uruurino, markaa horta Bulsahda Gobolka sanaag meel kasta oo ay joogaan waxaanu ugu baaqaynaa inay ka qayb-qaataan dhismaha waddadaasi, waayo waynu ognahay oo dawladdu kaligeed ka ma dhisi karto hadaanay shacbigu kaalintooda ka qaadan, annaguna dhawaan waxaanu u baxaynaa oo aanu isu abaabulnay hada sidii loogu bixi lahaa deegaamada gobolka ee aanu xoolo nool iyo lacagba wixii aanu ka helno aanu ka soo uruurino”.




Dhinaca kale waxa uu soo dhaweeyay Guddida Madaxweynuhu u magacaabay qaadhaan uruurinta Mashruucan uu ka hadlay, isagoo balan qaaday inay la shaqeynayaan hogaan dhaqameed ahaan, waxaanu boqorku intaasi ku daray in Qurbo-jooga Gobolku ka mid yahay Bulshooyinka ay Taageerada badan uga filayan hawshan.




“Runtii Guddida Madaxweynuhu magacaabay waanu soo dhaweynaynaa, waanan la shaqaynaynaa, waana guddi aanu u aragno inay yihiin dad Daacad ah oo arintan ka soo bixi kara, hawl-galkayagana waxaanu la sugaynay magacaabista Guddidan oo hada wixii ka dambeeya todobaayda soo socda waxaanu u dhaqaaqaynaa sidii aanu doorkayaga u buuxin lahayn, hawsha noo qorsheysana u dhaqaajin lahayn, Miyi iyo Magaalaba.




Waana Khasab inaanu dadka dibadaha la xidhiidhno iyo kuwa gudaha oo aanu ugu baraarujino inay ah hawshan qaybtooda ka qaataan, markaa annaga abaabulkayagu waa sidaa”ayuu yidhi.




Boqol Maxamed ayaa dhinaca kale talooyin iyo tusaalleyaalba ka soo jeediyay amaanka guud ee Gobolka Sanaag , gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo oo shaqaaqooyin soo noqnoqday ka taagnaayeen muddooyinkan dambe  “Magaalada Ceerigaabo waa markii ugu horaysay ee inta la ogyahay Bandow lagu soo rogay muddo intaa le’eeg, shaqaaqooyinbaa beryahan ka taagnaa, Sagaal qofbaa iminka dhaawac sabab la’aan ah u jiifa, debec badan oo dhanka amniga ah ayaa runtii jira, markii ugu dambeysay maalin dhaweyd Askaribaa lagu dilay, askarigaa Tacsibaan u dirayaa Ehelada iyo qaranka omaliland ee uu ka baxay.




 markaa Bulshada Reer Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaagba waxaan ugu baaqayaa inay nabad-gelyadooda Ilaashadaan oo isku duubni iyo wada jir uga hortagaan wixii amnigooda waxyeelaya, Maamulka gobolkana waxaan u soo jeedinayaa inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga oo ay wax ka qabtaan Gol-daloolooyinka badan ee muuqda, cidii dambi gashay ee dhibaato geysatay sharciga la horkeeno, ka shaqeeyo maamulku isku xidhka iyo la shaqeynta cuqaasha iyo madaxdhaqameedka” – “iminka maalintii dhaweyd hawl-galka askariga lagu dilay wuxuu dhacay iyadoo wada hadalo socdaan, waana lagu deg-degay “ayuu yidhi.




Madaxdhaqameedkan Reer Sanaag ayaa sidoo kale Ciidamada amaanka kula taliyay inay shacbiga si wanaagsan ula dhaqmaan, horseedna aanay ka noqon waxyaabaha iska horkeenaya iyaga dadweynaha “Bilayska waxaan leeyahay Deg-deg badanbaa ku jira qaabka ay hawl-galada u qaadayaan, taasina waxay sababtay inay dadka iska horyimaadaan, markaa waa inay bulshada si wanaagsan oo degenaanshiyo ku jiro ula dhaqmaan, amaankana u sugaan”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com