Beledweyne(GNA)-Qaban-qaabadda Maamul u sameynta Gobolka Hiiraan ayaa ka socota Deegaamada Gobolka, gaar ahaan Magaalada Beled-weyn ee Xarunta Gobolka.
Hawshan ayaa bilowgeeda waxa Magaalada Beled-weyne u jooga Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka ah.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, oo ka soo jeeda Gobolka, ayaa iyaguna la filayaa inay Maalmaha soo socda ka yimaadaan Muqdisho si ay hawshan uga qayb-qaataan.
“Waan ka war-qabnaa halka ay howlaha u marayaan xubnaha ka socda wasaarrada arrimaha gudaha ee ku sugan magaalada Beledweyne, agaasimaha iyo xildhibaannada jooga Beledweyne waxaa ay diyaarinayaan una sii gogol xaarayaan sidii ay bulshada ku dhaqan gobolka maamulkooda u sameysan lahaayeen, wax kale ma'aha socdaalkooda, waa inay ku gacan siiyaan una fududeeyaan dad reer Hiiraan sidii ay maamulkooda u sameysan lahaayeen,'' sidaasi waxa yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo hawshan ka hadlay.
Xidlhibaanka ayaa sheegay in Maamulka loo sameynayo Gobolka ay soo dooran doonaan dadka shicibka ahi, lana soo xuli doono xildhibaano metela Deegaamada Gobolka.
“Waxaa wanaagsan in si fiican loo fahmo howsha socta, wax deg deg u dhaca ma jiraan, arinta waa mid bulshada ku dhaqan gobolka oo dhan laga tali-galinayo, xubnaha hadda jooga magaaladana howshaa ayeey ku guda jiraan, annagana dhawaan ayeeynu tagi doonaa halkaa [Beledweyne] xildhibaannada, siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka iyo maamulka hadda tallada haya intaba saameyn ayeey ku yeelan doonaan sida uu maamulka loo dhisayo,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.
Mar uu ka jawaabayay su'aal aheyd sida ay suurtagal ku noqon karto inla sameeyo maamul xili inta badan deegaannada gobolka ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, ayuu sheegay in ujeedada laga leeyahay dhismaha maamulka tahay sidii loo xoreyn lahaa qeybaha kale ee gobolka Hiiraan.
“Micno badan ma sameyneyso dooda arintaa ku saabsan, waayo sababta maamulka loo dhisayo ayaaba ah in la xoreeyo deegaannada kale ee gobolka, maxaa yeelay maamulka la dhisi doono howsha ugu horeysa oo ay tahay in uu qabto ayaa ah in la xoreeyo deegaannada kale ee gobolka ka dhiman, sidaa daraadeed annaga waxa aan diidannahay waa in uu firaaq meesha ka dhaco,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.
Waxaa uu sheegay in maamulka la dhisayo uu noqon doono mid ka soo dhaxbaxa golle deegaan oo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka uu gobolka ka kooban yahay.
“Golaha deegaannka maamulka soo dooran doona waxaa laga soo xuli doonaa dhamaan shanta degmo ee gobolka ka kooban yahay, Al-shabaab ayaa hadda gacanta ku haya micno badan sameyneyso, waxaa golaha maamulka soo dhisaya ka qeyb-galli doona odayaashii, aqoonyahankii iyo waxgaradkii degmooyinkaa matalayay, sidaa ayuuna maamulka ku dhismi doonaa,'' ayuu yiri xildhibaanka.
Waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay taageeraan howsha socta, madaama markii ugu horeysay dad ku dhaqan gobollka iyaga maamulkooda sameysanayaan, islamarkaana uusa jirin doonin maamul kor looga keenayo.
''Bulshada waxaan leeyahay howsha socta gacan siiya, waayo fursad ayaad heystaan, waa in aad ayaahihiin ka taashataan, xubnaha dowladda ee hadda jooga iyo kuwa kale ee imanaya intaba waxaa ay fududeyn doonaan sidii aad kulamadiina u qabsan laheydeen,ee maamul idiinma sameynayaan,cidda loo baahan yahay in maamulkooda sameystaan waa bulshada reer Hiiraan, waa in aad arinta sidaa u fahantaan,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur.
Gobanimonews
Beled-weyne
Email: editor@gobanimonews.com