Thursday, October 3, 2013

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Ayaa Canbaareeyay Muwaadinta Fikirkiisa Cabiray Oo Xukuumaddu Xidhay


 








Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Ayaa Canbaareeyay Muwaadinta Fikirkiisa Cabiray Oo Xukuumaddu Xidhay




Hargeysa (Gobanimo)4/10/2013-Xisbiga Micaaridka ah ee UCID ayaa Canbaareeyay Xadhiga Muwaadin Ismaaciil Maxamed Ciise oo dhawaan Maqaal uu Fikirkiisa ku Cabiraayo kaga hadlay in Xukuumadda Jirtaa aanay haysan Taageeradda Beesha oo uu Wasiirka Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu  hore uu   sheegay inay Xukuumadda si buuxda u taageersan tahay, iyado Muwaadin Ismaaciil uu Maqaalka ku sheegay in aanay Xukuumaddu xidhi karin Hogaanka sare ee ururka Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta la baxay taasina keentay Wasiirka oo Warfaafintu Xidho Ninkaasi Fikirka ha hadlay.




 Hadaba Xoghayaha warfaafinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID  Yuusuf Cabdilaahi Kayse ayaa Xukuumadda ku Canbaareeyey xadhig loo gaystay Ismaaciil Maxamed Ciise oo uu sheegay in uu yahay  xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga UCID .




Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID  oo u waramay  Shebekadda Hadhwanaagnews ayaa waxa uu sheegay in xadhiga loo gaystay xubintaas ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid ay timid ka dib markii uu qoray maqaal uu ku cabirayo fikirkiisa oo uu ku sheegay inaanay xukuumadu




wax taageero ah ka haysan beesha uu ka soo jeedo wasiirka warfaafinta Somaliland.Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse oo ugu horayntiiba ka hadlaya xadhiga loo gaystay  xubinta ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid ayaa waxa uu yidhi ?Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan xilka a an ka hayo xisbiga Ucid waxaanu aad iyo aad u canbaaraynaynaa xadhiga xaq darada ah  isla markaana cabudhinta ah ee shalay lagu xidhay  Ismaaciil Maxamed Ciise  kaas oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid, xadhigaas oo aanu u aragno xisbig ahaan cabudhin, cadaala darro, keligii talisnimo lagu wiiqayo xoriyatul qawlka dalka jamhuuriyada Somaliland taas oo ka mid ah dibin daabyada lagu hayo shacbiga Somaliland.? Ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid.




Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu faah faahin ka bixiyey sababta keentay xadhiga xubintan ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid waxaanu yidhi ?xadhiga xubintan ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid waxa keenay ka dib markii uu qoray maqaal uu fikirkiisa ku cabirayo kaas oo uu kaga hadlayey inaan la xidhi karin gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure iyo gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal Cali Waraabe  isla markaana aanay xukuumadu taageero ka haysan beesha uu ka soo jeedo wasiirka warfaafinta Somaliland? ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid.




Sidoo kale xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu ku xidhan yahay Ismaacil Maxamed Ciise ay ku booqdeen isla markaana waxa uu sheegay in hogaanka ciidanka ee saldhiga dhexe u sheegay in amar lagu siiyey  inay soo xidhaan xubintan isla markaana ay sii deyn karaan oo kaliya cida soo xidhay




                                          




Hargeysa /Somaliland Office