Thursday, October 3, 2013

Maansada “SAYID GAARIYE” oo Baroor-diiq ah iyo Midhihii Abwaan Maxamed J. Xaashi (Boodhari).


Todobaadkan, waxa lagu jiraa sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay Geeridii Marxuum AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo waddanka Norway ku geeriyooday 1/10/2012, iyadoo isla 8-dii bishaasi lagu aasay Magaalada Hargeysa.




Hadaba Maansadan Waa maanso baroordiiq ah oo u tiriyey Mohamed jamac xaashi (Abwaan Boodhari) taas oo  u ka  tiriyey geeridi ku timid abwaan mohamed xaashi dhamac( gaariye) isagoo dareen ahaan cabiray sifihii wanaagsanaa ee u ku yaqaanay abwaanka iyo Kaalintii marxuumku ku jiray ee  ahayd macalin sugaameed.




Maxamed Jaamac Xaashi “Marxuumku wuxuu muddo laba sanno ah ii ahaa Macalinkii suugaanta ee  jaamacada hargiesa, taasaana iigu xusuus badan sida aan dareen ahaan u cabirayo shakhsiyadii Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye “AHN””ayuu hadal kooban ku sheegay abwaanku.




Waxaanu Maansada ku bilaabay sidan:




Sayidkii abwaandda




Miisaanka suggayee




Maansada salkeedii




Surin toosan mariyee




Macnaheeda suugaan




Sadarkay u taalaba




U sifeeyey ummade




Sawraceeda quruxliyo




Soomaali hiddaheed




Dhaqan subanaantiyo




Suradooda bilicda le




Salka kii u dhigayee




Sees adag u jeexee




Ilaah hibo usiiye




Dhalintana u saxayee




Sadarkeeda baraye




Ku siiyey duruustaa




Saacadii dhamaato




Subax weeye lagu jabay.




 




 




Sayid macalinkaygow




Inta samaha jecele




Ka saahiday xumaantee




Lagu sugay fardawsee




Safkii nebiga raacdee




Dhex sabeeya janadaa




Abid aan sal guurayn




Saatirkay ha kugu daro.




 




Sifihiisa gaarkee




Ilaah hibo u siiye




Rag u kaga sareeyey




Sooma koobi karayee




Aan sadar ka mariyee




Murti aan sal faafnayn




Ma hawaawi seese




Marku sahanka hela e




Saran seer ka tirabuu




Admiga ku sooraa.




 




Saadaasha gabaygana




Taariikhda sabankiyo




Sanad hore wixi jiray




Tii saaka joogtiyo




Taan wali sugnaanbuu




Sahankeed yaqaano




Dabataxanti socotiyo




Ergo siduu u soo dhigay




Suuradooda ila dhuux.




 




Hal adaygu waa sadde




Ma sar sarana weedho




Mana saafo mililko




Ma sir gaxo u jeedade




Si kastoy ahaataba




Sun haday ku tahay madax




Soor haday u tahay shicib




Runtuu sare u qaadiyo




Xaq sawdku hadalkuna




Sifihiisa weeyaan.




 




Sun qabiil ka maansiy




Sokeeye ku faankiyo




Sugaanta xanafta le




Kala saarta ulshadee




Kala siibta shicibkee




Colaad aan salfududayniyo




Seer wadaagta kala dila




Sawdkiisa ma ahaynoo




Abidki ma suurayn.




 




Siyaasi amaaniyo




Liita sare u qaadoo




Isa saara erayoo




Subcis heeso mariniyo




Sacab beena tumidii




 Ma samaynin waligi.




 




Sayid macalinkaygow




Inta samaha jecele




Ka saahiday xumaantee




Lagu sugay fardawsee




Safkii nebiga raacdee




Dhex sabeeya janadaa




Abid aan sal guurayn




Saatirkay ha kugu daro.




 




Qalinkii: Mohamed Jamac Xaashi(Abwaan Boodhari)




Email:    Boodhari_19@Hotmail.Com




Tell: 4443571 Or 9220990