Thursday, October 3, 2013

Sanaag: Bangiga oo la Tacaalaya Lacag Somali Koonfurta lagu soo daabacay oo Tashuush ku haysa qorshe Shilinka Somaliland lagaga socodsiinayo


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa mar kale sharaxaad ka bixiyay hanaanka lacag ka bedelka Magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan Gobolka Sanaag oo bishan horaanteedii la bilaabay.




Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay inay si wanaagsan u socoto hawshaasi, isla markaana lagu guulaystay in lacagta shilinka Somaliland ka shaqayo  Gobolka, gaar ahaan Magaalo-madaxdiisa Ceerigaabo, lagana saaray suuqa wax ku kala iibsiga Lacagtii hore halkaasi looga Isticmaali jiray ee somaliya, taasoo hada ku hadhay gacanta Sarrifleyaasha Magaalada oo loo ogolyahay inay dadka u sarifaan, balse waxba aan  lagu Iibsan Karin.




“Ceerigaabo waxa ka shaqaynaysa oo sharciyan la ogolyahay Lacagta Somaliland, taasaana la doonayaa inay Gobolka oo dhan ka shaqayso, lacagtii Giimbaarta ahayd ee somaliya waxba laguma Iibsan karo, laakiinse waxa sarifaya Ganacsatada Sarifleyaasha ah oo loo ogolyahay, kuwaasaanan gacan ku siinay inay dadka u bedelaan”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo Gobanimonews Khadka telefoonka ugu waramay.




Waxaanu intaasi ku daray “hawshan markii aannu ku dhaqaaqnay waxaanu u guddo galnay hab aqoon ku dhisan oo aannu rabno inaanu Gobolka kaga hir-gelino isticmaalka lacagta dalka, waxaanan samaynay in lacagtan la bedelo iyadoo aan sidii tii burco la gubayn ama dawladdu lacag ku bixinayn, markaa waxaanu nidhi dadka haloo sarifo lacagta, si ay u bedeshaan, tiina way hir-geshay, markaa waxa muhiim ah inay dadku fahmaan inaanay dawladu lacagta somaliga ah xareysanayn, balse lacagtii dawladu sidii ay meesha uga shaqayn lahayd looga gol-leeyahay hawshan.




Taas ayaan doonayaa inaan u sheego xildhibaanada warbaahinta ka hadlayay ee arintan dhaliilayay, waxaanan cadeynayaa inaanay lacagtaasi wax sicir barar ah Gobolka ka abuurin, si wanaagsana uga socoto oo xarumaha dawlada wax kale aan lagaga shaqaynayn”ayuu yidhi




Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in Gobolka ay ku furantahay Lacagta somaliya oo meel walba ka imanaysaa, taasina ay culays kala hor-timi inay hawshani si fudud Gobolka kaga fusho “annaga Lacagta somaliya ee Boosaaso ilaa Kismaayo ka imanaysa waxba nagama khuseeyaan cidii suuqa ka sarifanaysa e markaa lacagta Somaliland wax ku iibsanaysa, balse waxa na khuseeya inaanu lacagtii dawlada Somaliland ku ilaalino inay ka shaqayso meesha oo aan lacag kale oo wax lagu iibsado la ogolayn, taasaana Bulshada gobolka looga baahanyahay inay u hogaansanto.




Bishan horaanteedii ayay ahayd markii Magaalada Ceerigaabo laga bilaabay fidinta Isticmaalka lacagta Somaliland, waxaana hawshaasi si weyn u soo dhaweeyay inta badan Bulshada Gobolka oo dhaqaale ahaan saameyn badan oo dhanka taban ah kala kulmi jiray Shilinka somaliya ee ay isticmaali jireen.




Arintan ayaa Gobolka Sanaag, gaar aahan Degmada Ceerigaabo ka badbaadisay saameyn dhaqaale oo ay ku keentay Lacag Foojari somaliya ah oo lagu soo daabacay goboladda dhexe ee Somaliya, taasoo qayb ka mid ah Puntland loo soo gudbiyay, isla markaana ku fiday Deegaamada Gobolka ee Lacagta Somaliya laga isticmaalo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com