Thursday, October 3, 2013

SL: Wasiirro Xukuumadda ka socda oo Ceerigaabo u tegaya Xalinta Shaqaaqo soo noq-noqotay oo madaxa Gobolku maaro u wayday



Hargeysa(GNA)-Wasiirro ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa la filayaa inay Maalinta Berri ah booqasho hawleed ugu baxaan Gobolka Sanaag oo Khilaaf dhanka amaanka ahi ka taaganyahay, islamarkaana xukuumaddu dhawaan bilowday mashruuc lagu dhisayo waddada ceerigaabo iyo Burco.



Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo wareedyo  xukuumadda ku dhadhow, weftigan oo ay xubno ka yihiin Wasiir u dawlaha Maaliyadda, Wasiirka Gaashaan-dhiga,Biyaha , Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo  xubno kale oo ka mid ah Wasiirrada Goboladda Bariga ka soo jeeda, waxaana hogaaminaya Wasiirka Wasaarrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.



Magaalada Ceerigaabo ee  xarunta Gobolka Sanaag, ayaa beryahan waxa ka taagnaa muran soo xoogaysanayay oo ka dhashay lacag ka bedelka Gobolka, kaasoo gacan ka hadal ka dhashay sababay isku dhac ciidanka Bilayska iyo Maleeshiyaad hubaysan dhex maray, dhaawacyo badani ka soo gaadheen  dad Rayid ah.



Tan iyo bilowgii shaqaaqadaasi, falal amni daro ah ayaa Magaalada ka taagnaa, taasoo sababtay in Bandow lagu soo rogo magaalada xiliyada habeenkii mud todobaad ah, isla markaana dil kale oo isla arintaasi lala xidhiidhanayaa ka dhacay tuulo magaalada u dhow todobaadkan.



Madaxdhaqameedka Gobolka Sanaag, ayaa falalkan ka dhacay Gobolka ku tilmaamay mid maamul xumo salka ku haysa, loona baahanyahay in dhakhso wax looga qabto, iyadoo ay iska kaashanayaan maamulka dawlada iyo Madaxdhaqameedku.



Inkasta oo aan xiisadda magaaladaasi ka taagan aanay sidaasi u sii cuslayn, hada Miisaanka weftiga xukuumadda eek u baxaya ayaa muujinaya inay arintu sida la moodayo ka culustahay.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com