Xamdi iyo mahad waxaa iska leh ILLAAHA ina abuuray ee aan nimcooyinka uu inagu mannaystay la soo koobi Karin. Amarka ALLE waa ‘Kun Faya Kun’ ciddii uu doono ayuu arsaaqada u ballaadhiyaa, cidda uu doonana wuu ku cidhiidhiyaa.
Dhul baa barwaaqo ah, waxaa barbar yaala lama degaan, nin baa bohon, nina maalinta uu baaluqo ayuu boqol ka beeraa. Adoonka ummadiisa wax u qabtaa amaan iyo sharafba wuu istaahilaa, ILLAAHAY-NA wuu abaal mariyaa.
Waxaan maqaalkan si aad u kooban u taabanayaa shirkadda Dahabshiil iyo waxqabadkeeda muddadii gaabnayd ee ay shaqaynaysay, waxaana iiga marag ah bulsho waynta af Soomaaliga ku hadasha meel kasta ooa y joogaanba, dawladaha waawayn ee caalamka iyo dhamaan hay’addaha samafalka, kuwaas oo dhamaantood ku qancay adeegiisa iyo aaminaadiisa.
Waa shirkad ay bulsho wayntu la shuraako tahay, waana shirkad aan faa’iido doon ahayn ee bulshadeeda u shaqaysa dibna ugu soo celisa faa’iida. Shirkadda Dahabshiil waxa ay qayb libaax leh ka qaadatay nabadayntii beelaha Somaliland, wakhtiyadii adkaa ee ina soo maray. Dawladaha Somaliland ee kala dambeeyay oo ay qadarka miisaaniyaddoodu yarayd cidda lagu baxsanayay ee wax laga amaahanayay waxa ay ahayd shirkda Dahabshiil.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay si joogto ah uga qayb qaadataa horumarinta adeegyada caafimaadka bulsho waynta ku hadasha Afka Soomaaliga. waxaanay dhismayaal caafimaad ka hirgelisay cisbitaalo badan, waxa ay bulshadeeda ugu deeqday Ambalaasyo ay ugu talo gashay gargaarka caafimaad ee degdega ah, sidoo kale waxa ay cisbitaaladaasi ay ku kabtay qalab caafimaad oo tiro badan iyo weliba daawooyin ay ugu talo gashay dadka jilicsan ee aan iibsan karaynin ama aan iska bixin karayn lacagta dawada.
Shirkadda Dahabshiil waxa si laxaad leh uga qayb qaadatay wakhtiyo badan oo ay maceeshadda quutal daruuriga ahi hawada isku shareertay in uu si mutadawac nimo ah u keenay raashin jaban oo bulshada danyarta ah ka qaboojiyay sicir bararka maceeshada.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay dedaalo joogto ah ka geysataa kobcinta iyo horumarinta arrimaha waxbarashada, waxa ay dhismayaal waxbarasho ka hirgelisay jaamacado badan iyo iskuuladda dawliga ah, sidoo kale shirkadda Dahabshiil waxa ay waxbarasho dibadeed iyo mid gudaha ah oo heer jaamacadeed ah ay si mutadawacnimo ah ay uga bixisaa arday badan oo Soomaali ah.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay ka qayb qaadataa si aan kala go’lahayn dhismaha iyo dayac tirka Masaajidada, waxaanu dalka ka hirgeliyay masaajido badan, waxaanu si joogto ah u dayac tiraa masaajidada u baahan in dib u habayn lagu sameeyo.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay sannad walba ka caawisaa gudashada waajibaadka Xajka, boqolaal qof oo ka mid ah bulsho weynta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, iyada oo xujaajtaa ka qaabisha tigidhada Diyaaradaha iyo dhamaan kharashaadka ku baxaya inta ay ku dhex jiraan gudashada xajka.
Sidoo kale, shirkadda dahabshiil wax ay si xilkasnimo ah uga shaqaysaa Wadooyinka, bilicda magaalooyinka, Ceelasha biyaha iyo baliyada, iyada oo aynu ognahay in biyuhu ay asaas u yihiin nolasha Aadamaha iyo guud ahaan noolaha oo dhan.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay si joogto ah u kaalmaysaa dadka jilicsan iyo dadka Saboolka ah, kuwaasi oo ay si joogto ah ula daba joogto sadaqada iyo arimaha gargaarka, waxaanay shirkaddu ay sannad kasta raashin iyo lacagba u qaybisaa kumanaan qoys oo danyar ah.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay si toos ah u dhiiri gelisaa dhalinyarada iyo arrimaha ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanay shirkadu ay kharashaad joogto ah ku bixisaa dayactirka iyo dhismaha garoonada ciyaaraaha, waxaanay dirays iyo kabaha ciyaaraha ay siisaa qaar badan oo ka mid ah da’yarta Soomaaliyeed.
Halkan kuma soo koobi karo waxqabadka shirkadda Dahabshiil oo maanta adduunka oo dhan laamo iyo xafiisyo ku leh, magac weyn iyo sharafna inoo soo jiiday. Shirkadaha iyo bangiyada ina soo maray ee kacay muddadaas way tiro-beeleen, meesha ay ku kala tageena waxa weeye Dahabshiil waxa ay faa’iidada dib ugu celiyaa bulshadiisa. Waa shirkad aan marnaba madmadow gelin shaqadeeda iyada oo ay jirto budhcad badeed, lacago argagixiso, lacago la maydhayo, mid mukhaadaraad . maanta oo xawaaladihi la wada xidhay waa shirkadda kaliya ee loo ogolaaday in muddada loo kordhiyo aniga oo huba in la fasixi doono. Waxaanan ugu mahad naqayaa sida ay ummadeeda ugu dedaal gashay.
By. Axmed Maxamed Cabdulle (Walanwal)
Hargeysa/Somaliland