Hargesya(GNA)-Ciidamada Bilayska Somaliland, ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Maanta Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi oo Jiheeye loo yaqaano, kaasoo lala xidhay Hooyadii mudo todobaad ah la sheegay inay u xidhnayd Eedeyn Bilaysku haysto wiil ay dhashay oo fakaday.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka amniga oo la xidhiidha sababta loo xidhay lamaanahan isdhalay, balse Abwaanka oo la hadlay Warbaahinta ka hor intaan la xidhin, ayaa sheegay in loo haysto Dambi lagu eedeynayo Wiil ay walaalo yihiin oo aan waxba geysan.
"Hooyaday ayaa todobaad ku xidhan saldhiga ciidamadda booliska waxaana lagu xidhay inankaaga ayaa danbi galay dabadeedna inankeeda oo ay niman kale dhul isku haysteen ayaa loo xidhay iyada oo nimanka ay dhulka isku haysteena ay ku doodayeen madaxweynaha ayaanu isku raas nahay, cidii madaxweynaha ay isku raas yihiina haddii ay wax isku qabsadaan dad kale gar naqooda ayaa ka socday maxkamada.
sida lay sheegayna inankii oo laga gar darnaa ayaa hooyadii oo meel iska joogta la soo xidhay mudo todobaad ahna way xidhnayd markii u tagay hooyaday ee aan idhi maxaa lagu soo xidhayna inta uu nin igu yidhi waanu sii daynaynaa ayuu saakana markaan u imid igu yidhi lama sii daynayee inankii ma wadaan dabadeedna waxay igu yidhaahdeen inankan yar ee qaad qoriga u dhiibtay soo daa aniguna"ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray "imika waan xidhanahay oo jeelka ayaan ku jiraa hooyadayna mudo wiig ah ayey xidhan tahay labadayaduna sharci daro ayaanu ku xidhanahay wax aanu gaysana ma jirto, hooyadayna waxa la leeyahay walaalkay ayey u xidhan tahay iyada oo taliye ku xigeenka CID-du nagu yidhi inankeedana waa laga gar daran yahay iyaduna way xidhan tahay ayaa hadana aniguna aan u xidhanahay."
Abwaanka ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay xudunta muran dhul oo la sheegay in Xadhigoodu salka ku hayo"dhulka waxa leh labiyo toban nin dabadeedna waxay isku qabsadeen nin kale oo ay isku qoys yihiin madaxweynaha dabadeedna doodoodii ayaa socotay oo maxkamada ayey ku jirtay inankuna waxa uu leeyahay waan iibsaday dhulka ragan kalana waxay leeyihiin anaga ayaa lahayn dabadeedna arintoodii halkaas taagnayd ayaa dhacday in inanka aanu walaalaha nahay mar hore lagu xidhay wuu na caayey ka bacdina maxkamada ayaa damiinatay isaga oo damiinkaas ku joogana ayaa dagaal lagu soo qaaday oo layskugu tagay kaas oo ay isku tageen ninkaas dhulka ku haysta oo la yidhaa gaydh iyo sadex nin oo ay walaalo yihiin, markii ay iskugu tageen ee uu isaguna ka baxsaday ayaa hadana loo soo kaxaystay laba nin oo Police ah kuwaas oo gaadhi ku eryaday markaasuu inankiina inta uu quraarad cadar ula baxay ku yidhi walaahi inaan banbadaa idinku dhufan.
dabadeedna banbo ayuu la baxay ayaa lagu soo xidhay hooyaday, waxa uu la soo baxayna waa quraarad cadar ee maaha banbo, hadana isaga oo aan wax rabshad ah samayn oo aanu nidhi waanu soo qabanaynaa haddii uu danbi galay ee islaanta soo daaya iyada oo anigana laygu yidhi inankiinii qori ayaad u dhiibtay aniga oo aan qorina u dhiibin qori aan leeyahayna aanu jirin labadayaduba shicib ayaanu ahayn ee qoryaha xagee ayaanu ka keenay.".
noomay suurto gelin inaanu wax war ah ka helno dhinacyada Bilayska iyo dadka kale ee arintan abwaanku ku xusay, balse muranka dhulka ayaa ah arin inta badan bulshada dhexdeeda ka taagan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com