Waxaa dhawaanahan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa kusoo badanaya dilka habeenkii ee dadka rayidka ah.
Dilalkan oo badidood u badi gaysteen tuugo hubaysan oo habeenkii shacabka
ku baadha magaaladda, ayaa waxaa Todobaadadii u danbeeyay lagu dilay
Hargeysa dad badan oo aan badidood wali la garanaynin cida ka danbaysay
dilkooda, walina aan cid loo haynin.
Dilalkaas waxaa ugu danbeeyay dilkii lagu khaarajiyay nin dhaliyaro ah
xaafada Boqol iyo Kontonka Habeenkii ay Khamiistu soo galaysay.
Marxuunkan oo sida ay sheegen qaraabadii iyo dadkii Jaarka la ahaa, waxa uu
ka tirsanaa dhalinyardii maalintii Axadii ka qalin jabisay Jaamacadda
Hargeysa, waxaana wakhtiga uu dilkiisu dhacay uu la socday Gabadh.
Sida ay sheegtay Haweeneydii dhalinyaradda ahayd ee la socotay Marxuunku,
waxaa kusoo kadiyay koox dhalinyaro ay tiradoodu ku sheegtay 4. Kuwaas oo
isku dayay inay ka qaadaan Mobile-ka uu sito, marxuunkuna ka diiday.
Kadib waxay tuugtii kaga furfureen Marxuunka Mobil-kii Toori ay siteen oo
ay kaga dhufteen dhafoorka. Marxuunku dhaawacaas ayuu markiiba u
geeriyooday, kooxdi dilkiisa ka danbeysayna wax aka baxsadeen gootii falku
ka dhacay.
Waxa markiiba lagu soo rogay goobtii rondo, kuwaas oo markiiba bilaabay
inay xaafadii uu dilku ka dhacay ay guri guri u baadhaan iyagoo bar
tilmaameedsanaya guriyaha ay in uun ku tuhmaan inay dhalinyaro dagan tahay.
Waxaanay xadhiga ugu horeysiiyeen Gabadhii dhalinyarada ahayd ee marxuunka
la socotay ee iyadu qayla dhaanka dirtay markuu falku dhacay, oo wali u
xidhan.
Goobtan lagu dilay ninkan dhalinyaradda ah waxaa hore dhaawacyo loogu
gaystay dhawr hablood, kuwaas oo inta Mobile-dii ay siteen laga qaaday
waliba loogu daray toori.
Isla Aroornimadii Khamiista waxaa ku xigay Mayd kale oo Badhtama magaaladda
laga heley.
Si Kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay dhawaanahanba soo noqnoqanayeen
wararka sheegaya dilal ama dhaawacyo ay sababeen tuugadda hubaysan ee
xaafadaha magaaladda ka qadhaabta habeenkii, hadana dawladu wali kumay
guulaysan inay wali guulo la taaban karo kasoo hoyso. Walina waxaa muuqata
inay si xoh ah uga qadhaabtaan tuugadu meelihii fadhiisiimaha u ahayd.
Waxaa la yaab noqotay hakii danbiilayaasha laga baadi goobi lahaa, inay
boolisku bartilmaameedsadaan cidii waanadda waday ee soo wargalinaysay inay
ka horeysiiyaan xadhiga cidii falka gaysatay. Taas waxaa marag u ah xadhiga
ay jeelka habeenkii labaad ugu hoyanayso gabadhaas dhalinyarada ah ee
Marxuunkaa Da’da yar leh la socotay.