(GNA) Buugan ayaa waxaa uu toos u weeraray shiriikadaha sameeya dawooyinka sameeya
Dawooyinkaa oo ah kuwa dadka xanuunsanaya lagu daweeyo buuga cusub waxaa qoray professor udhashay wadanka Norwey professor oo lagu magacaabo professor peter Gøtzsche oo madax ka ah machadka baadhitaanada madaxa bannaan ee dalalka nordigga, ayaa qoray buugga.
Professor Peter ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay waxaan baadhay tobanka shirkadood ee dawooyinka sameeya kuwa ugu waa wayn dunida,
waxana soo baxday in qaabka ganacsigoodu leeyahay calaamadaha denbiyada abaabulan. Waxa kaloo aan arkay shirkado kale, oo ku kaca isla fal denbiyoodyo noocaas oo kale ah, ayaa Peter Gøtzsche ku yidhi.
Buugga oo magaciis la yidhaahdo "Dawo dilaa ah iyo denbiyo abaabulan - Dødelig medicin og organiseret kriminalitet" ayaa soo bandhigay tusaalayaal badan, gaar ahaan Maraykanka, oo shirkadaha dawooyinka sameeya lagu xukumay tallaabooyin sharcidarro ah ama geltaanka heshiisyo sharcidarro ah oo balaayiin doolar ah.
Arrimahani waxay la xidhiidhaan khiyaamooyin lagu sameeyo khasnadaha dawladaha, oo laga xado lacag badan oo cashuurbixiyayaashu leeyihiin. Waxa kaloo meesha ku jira suuqgayn sharcidarro ah oo si wayn loo laaluusho dhakhtarrada. Sidu sheegay Peter Gøtzsche denbiyo aad u badan ayaa la sameeyaa.
Ganaaxyada badan iyo heshiisyada balaayiinka ah ayaa isu dhowdhow oo muddo koobani u dhaxaysaa, marka la barbardhigo siday ahaayeen toban sano ka hor. Laga hadli maayo dhacdooyin mar mar ah, laakiin ganacsiga aaggaas oo dhan ayaa saxnayn.
Buugga ayaa sidoo kale naqdiyay qaababka ay shirkadaha dawooyinku u ansixiyaan dawooyinka.
Wershaduhu iyga ayaa qorsheeya tijaabooyinkooda, dabadeedna hela natiijooyinka ay doonaan. Dabadeed isla iyaga ayaa falanqeeya xogta la xidhiidha natiijooyinkaas. Haddii ay natiijooyinkaasi anfiiici waayaan, markaas ma baahiyaan wararka la xidhiidha tijaabooyinkaas, ayuu yidhi Peter Gøtzsche.
Wuxu sidoo kale ku eedeeyay shirkadaha, inay sida qaalibka ah qariyaan dhibaatooyinka dilaaga ah ee ay horseedayaan dawooyinku,
markay suuqa soo galaan, iyo inay dawada ku daweeyaan waxyaabo kale oo aan loo ansixin. Dad ayaa ku dhinta Waxa ahmiyad la saaraa macaashka. Laakiin denbiyadaas abaabulan waxa u dhinta boqollaal bukaan ah sannad walba. Qaar badan oo ka mid ahina u ma baahna dawooyinka la siiyo, ayuu yidhi Gøtzsche.
Sidu sheegay dawooyinku waa dilaaga saddexaad ee sababa geerida dadka, marka laga tago cudurrada wadnaha iyo kansarka.
Faallo kamay bixin
Ururka shirkadaha dawooyinka sameeya, LIF, ayaa buuggu soo gaadhay dhawr cisho ka hor, laakiin xidhiidho badan uu Dr Nyheder la sameeyay, si ay faallo uga bixiyaan buugga, kuma guulaysan helitaankooda.
Buugga ayey Dhawaan ay eletaroonik (e-bog) ahaan u soo saaraysaa shirkadda People's Press, dabadeedna waxa soo bixi doona buugga daabacan. dhawr todobaad ka dib ayaa nukhul ka mida oo ay daabacayso shariikada ingiriisi oo la yidhaa Radcliffe.
buugan ayaan shirkadaha soo saara dawooyin ka badan kood aaney farxad galin marka loo eego kuwa mareykan ama yurub taas oo ay dad badan ama ururo badan oo ilaaliya xuquuda aadamaha ay soo dhaweeyeen buugan ayaa bilaha fooda inagu soo haya laga heli doonaa suuqyada caalmak buuga oo ku turjuman afaf badan oo caalmka laga hadlo.
Diyaariye:ASKAR
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com