Friday, October 4, 2013

Wiil Uu Adeer U Ahaa Uhuru Kenyata Oo Ka mid ahaa Dadkii ku nafwaayay Weerarkii Westgate Mall Ee Nairobi.


(GNA) Wiil uu adeer u yahay madaxweynaha dalka Kenya iyo haweeney asxaabtiisa ah ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday weerarkii ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ku qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi ee dalkaas Kenya.




Ninkan oo lagu magacaabi jirey Mbugua Mwangi iyo gabadhaa Rosemary Wahito ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday weerarkii ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ku qaadeen xarunta ganacsiga Westgate ee ku taal.




 




Magaalada Nairobi ee dalkaas Kenya, Ninkan geeriyooday oo sida la sheegay markii hore isaga oo bad qaba ka soo baxay goobtaa ayaa waxaa uu ogaaday inay gabadhaa laladili doono wali ku sugan tahay gudaha xaruntaas taas oo keentay inuu dib ugu noqdo halkaa iyada oo ay intaas ka dib ay haleeshay rasaastii uuna isla goobtaas ku geeriyooday.




 Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadaladii uu ka jeediyey weerarkaas waxaa uu dhowr jeer ku soo qaatey inuu ku waayay weerarkaa qaar ka mid ah eheladiisa aadka ugu dhow asaga oo sheegay inuu dareemay xanuunka ay dareemayaan.




 




Ugu dambeyntiina ilaa iyo hada aaney cadeyn guud ahaan tyirada dhabta ah ee ku geeriyootay weerarkaa ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ku qaadeen xaruntaas ganacsi ee Westgate ayaa warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan inay gaadheyso dhimashada ilaa iyo 69 qofood,




sidoo kale ayaa waxaa jira tiro ku dhawaad intaas oo kale ah oo aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirb dhigeen iyo waxa uu xaalkoodu yahay  dadkaas badankood lagu sheegay inay markii cid ugu dambeysay ay ku sugnaayeen goobtaas ay mashaqadu ka dhacday,




 Weerarkaas ayaa waxaa kale oo ku geeriyaaday dad badan oo kala kala yimid wadamo kala duwan oo ku yaala dalalka aduunka sida Holland, Australia, Ingiriiska, Ghana, iyo wadamo kale oo badan.