Thursday, October 3, 2013

Hargeysa: Wiil Todobaadkan Jaamacadda ka baxay oo Caawa la Dilay iyo Bilayska oo u xidhay Gabadh soo sheegtay! Akhri Magaca Marxuumka


Hargeysa(GNA)-Nin Dhalin-yaro ah  ayaa Caawa lagu Dilay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Sheedaha ee Degmada kood-buur, meel waxyar u jirta halka ay iskaga dhacaan  Waddada Xero-awr iyo Jidka 150-ku, ka dib markii sida la sheegay ay Koox dhalin-yaro ahi soo weerareen isagoo meel xaafaddo ah dhex maraya, lana socda qof dumar ah.




Kooxda dishay, ayaa la sheegay inay ka hor intaanay gacanta saarin, ay telefoon ka qaadeen gabadha la socotay, dabadeed Dagaal dhex maray isaga iyo kooxda Dishay.




Marxuumkan la dilay oo magaciisa lagu sheegay Mustafe Cabdi Xaaxi oo ka mid ahaa Ardaydii todobaadkan ka qalin-jabisay Jaamacadda Hargeysa, ayaa la sheegay in lagu Dilay Dhax madaxa lagaga dhuftay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha Hay’adaha amaanka oo Kiiskan wali baadhistiisa ku gudo jira.




Sarkaal ka tirsan Bilayska oo magaciisa qariyay ayaa Gobanimonews u sheegay inaan ilaa hada gacanta lagu dhigin Kooxdii Dilkaasi fulisay, balse la xidhay qofkii Dumarka ahayd oo ee la socotay, taasoo soo sheegtay dhimashadiisa “Afar Nin oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay inay dileen isagoo la jooga meel ay ku sheekaysanayeen Gabadha oo xaafaddo dhexdooda ah”ayuu yidhi mid ka mid ah Sarkaashiiba amaanku.




Maydka marxuumka ayaa la keenay sida la sheegay Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa, halkaasoo la soo gaadhsiiyay isla markii laga soo qaaday Goobta lagu dilay.




Falalka noocan ah ayaa ah kuwo inta badan ay geystaan Dhalinyarada Xaafaddaha oo dadka Banaanka ku sheekaysta qash-qashaad iyo dagaal ku qaada iyagoo u abaabulan koox-koox, inkasta oo aanay sanadihii ugu dambeeyay Magaalada Hargeysa ka dhicin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com