Thursday, October 3, 2013

Al-Shabaab oo ku Hanjabtay inay Gudaha Kenya ka fulinayso Weeraro ka Fool-xun kii Westgate oo Wali uu qoyanyahay Walaacii laga Dhaxlay


Nairobi(GNA)-“Waxaan kordhin doonnaa weerarrada aan ku qaadayno Kenya, waana ku ugaarsan doonnaa meel walba aan ku aragno tan iyo inta magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ay isku bedelayaan qubuuro, dhiggana uu ka qulqulo Nairobi,” sidaasi waxa lagu yidhi warbixin ay soo saareen Kooxda Alshabaab ee Somaliya oo ku Hanjabtay inay Cashar ka xun kii Westgate ka fulin doonto dalka Kenya.




Al-shabaab ayaa laba Usbuuc ka hor sheegtay Weerar ilaa hada saameyntiisu ka taagantahay Nairobi oo lagu qaaday Dhisme Ganacsi oo ku yaala Badhtamaha Magaalada, kaasoo ka mid ahaa xarumaha xudunta ganacsi u ah Kenya, kana adeegan jireen dadka magac leh iyo Madaxda dawladu.




“Go’aanka ay dowladda Kenya ku gaartay inay ciidamadeeda kusii sugnaadaan Soomaaliya, waxay horseedi doontaa in cashar ka weyn kii Westgate Mall loo dhigo.”ayaa lagu sii yidhi warbixinta Alshabaab.




Hadalkan ayaa ka dambeeyay go’aan mMadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ku adkeystay inaanay ciidamdiisu somaliya uga baxayn cabsi la xidhiidha guluf uga yimaada Kooxda.




“Ciidamadeennu waxay sii joogayaan Soomaaliya inta ammaanka dalkeenna aan ka xaqiijinayno. Ma nihin fulayaan, mana nihin kuwo quusanaya,” ayuu Kenyatta ku sheegay hadalkiisa, isagoo xusay in baaritaan lagu sameynayo dhacdadii Westgate Mall.




Al-shabaab ayaa Liishanka ku haysa dagaal ka dhan ah Kenya, kaasoo jawaab u ah joogitaanka Ciidamadeeda ee Somaliya.




Todobaadkan bilowgiisii ayaa la sheegay in ciidamada dawlada Somaliya Madaarka Muqdisho ay ku qabteen Dagaalyahano dibada uga yimi oo ku sii jeeday dalka Kenya, kuwaasoo dibada ka yimi.




Dhinaca kale intii lagu mashquulsanaa weerarkii westgate, waxa ay Qaraxyo waaweyn ka fulisay goboladda waqooyi Bari Kenya, halkaasoo ka mid meelaha ay ku xooga badanyihiin Dagaalyahanada Ururku.




Hanjabaadan ka soo yeedhay hadda oo ay isbiirsadaan casharkii laga bartay weerarka westgate, ayaa cabsi ka abuuraysa gudaha dalkaasi, waxaana dawladdu khasbantahay inay qaado talaabooyin amniga waddanka lagu xoojinayo.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com