Sannadkii 1997-kii ayay ahayd markii aan dib uga soo laabtay xeryo qaxoonti oo ku yaallay dalka Itoobiya halkaas oo aannu degnay markii laga barakacay dagaalladii dib-u-xoreyta Qaran. Waxa aan ku biiray dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Cali Cismaan (Ex Riis). Xilligaas ardayda dugsiyadu ma xidhan jirin wax balcad ah. Ma jirin arday dhammaysay dugsiyo sare. Jaamacad dalka ka furnayd ma jirin.
Iyada oo aan la kala garan ardayda iyo dadka suuqa jooga, oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland yahay Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa waxa mudaharaaday arday ka tirsanayd dugsiga sare ee Faarax Oomaar, ma xasuusto sababta bannaanbaxa. Laakiin waxa falkaas lagu dhaawacay laba arday, waxaana lagu andacooday inaan la kala sooci karin rabshad-wadayaasha iyo bahda waxbarashada.
Qaybtii dambe ee sannadkii 1997kii ayaa la soo rogay sharci ah inay ardayda dugsiyada hoose/dhexe ee wiilasha ahi xidhaan shaadh cad iyo surwaal kaaki ah, habluhuna ay xidhaan xijaab madaw, shaadh cad iyo haaf kaaki ah. Ardayda dugsiyada sarena waxa la faray inay ku lebistaan shaadh cad, haaf iyo surwaal madaw iyo xijaab madaw. Waxa nala faray in dugsi kastaaba uu magaciisa ku qorto xagga dambe ee shaadhkiisa, tusaale ahaan ardayda dugsiga Sheekh Cali Cismaan oo aan ka mid ahaa waxa maamulku noo sheegay in aanu dhabarka ku xaradhno Hargeysada Cusub oo markaas iskuulka loo yaqaannay, laakiin astaynta magacyada iskuulladu ma hirgelin.
Sidaas ayuu ku dhaqan-galay dirayska ay ku lebbistaan ardayda dugsiyadu, marna hoos uma dhicin tacliinta Somaliland. Gu’ kasta waxa la samaynayay iskuullo iyo xarumaha tacliinta sare oo ka qayb-qaadanayay koboca waxbarashada. Jiil kastaaba waxa uu fursadaha aqoonta ugu nasiib badan yahay faca ka horreeya. Isaga oo qofku Somaliland aan dhinacna uga bixin ayuu heli karaa shahaaho kasta oo uu rabo. Xagga tayada, waxa hubaal ah in dedaalka cilmigu uu shakhsiga ku xidhan yahay. Laba arday oo macallin wax u wada dhigay ayuu midkoodna gudbaa, midka kalena guul-darraystaa.
Waxase iman doonta mar la heli doono tayo aqooneed oo lagula baratamo adduunyada kale, eeggana muwaaddiniin badan ayaa ku dhulkeenna ku bartay cilmi ay kaga fiican yihiin dad u hayaamay qaarado badan. Faaiidada cilmigu waa la isku raacsan yahay una baahan samir iyo adkaysi, waa tallaabo lagu helo libin mar iyo meel noqotaba oo aan sinaba khasaare u ahay.
Iyada oo uu dardaaranku yahay inaan marnaba tacliinta la dayicin, waxa aan qormadan kooban ka xidhayaa qayb ka mid ah gabayga Aqoon iyo Ilays oo sharxaya waxtarka cilmiga, waana kuwan meerisyadi:
Waxa horumar aasaasa oo, qaran adkaysiiya
Asaaggood waxaa dhaafin kara, kana awaaraynba
Aqoontiyo darkeedoon, kolnaba laga ilduufayne
Anfaceedu waa tuulan yahay, aayaheeduba e
Waa edadaf tii biinaysee, oodda kaa rogiye
Ilays weeye kuu laacayiyo, nalal iftiin wayne
Waa ilo xareed soo rogoo, oon ka ciidama e
Waa iliilad maan caawisoon, kana istaagayne
Waa ayro geeloo dhashoo, abid irmaanaane
Iniin weeye biqilkeed gob yahay, ubaxna soo saarta
Anshaxaaga waa tii bishee, toosin edebtaaye
Irrid weeye laga galo samaa, awdda xumayaale
Ammaaniyo wanaag yeelo buu, yahay odhaahdeede
Eexdiyo waxay diidaysaa, iin qabiil dhalo’e
Ehelkeedu waa hayb wanaag lagu asteeyaaye
Arligooda waa qaar waxtara, oo abaal guda’e
Dhaqaaluhu markii uu itaal, iyo awood beelo
Sicirbaraku goortuu unkamo, ee ibtilo yeedho
Hurgumada waxaa aasi kara, ruux aqoon u lehe
Aafaadka cudurkii hadduu, aagag ka dillaaco
Allaheen gadaashii digtoor, yaan u orodnaaye
Aqal dhisida aalado casriya, laydhka agabkiisa
Injineerka doorkiisu waa, lama illaawaane
Arrimaha shareecada haddii, loo ilbixinaayo
Culimada afkooduu Raxmaan, nagu ilhaanshaaye
Itaaliya hadduu joogo iyo, Ayrishkiyo Kuubba
Iiraan haddii uu ka dago, dhulal Imaaraada
Ingiriisi ruuxii bartaan, abid qaloonayne
Alxamduda haddii aanad baran, alif illaa nuunka
Inkastood aroortiyo habeen, oogtid faralkaaga
Salaaddaan marnaba kaa ansixin, oon aqbala noqone
Eebbada sideedii marbaad, aar ku gudataaye
Ooy cadawga oofaha jartaa, kaa arjumaysaaye
Aminta iyo goortuu Jabbaan, amar ku taagleeyay
Aasiya kolkii uu ku fiday, aagaggaas bariga
Beeral waaki Axad weeraree, eeday kibirkiiye
Waxa adhaxda laba qaar ka dhigay, oofna ka wareemay
Atamada yuraaniyam raggii, soo adeegsadaye
Dabadeed abaabulid saxiyo, himilo aadoo dhan
Uurkoodi goortuu tashaday, idil ahaantoodba
Ee ay ilaaqdii lasheen, erayadii beena
Ee ubax tacliimeed mar kale, olole loo qaaday
Nagasaak dib baa loo alkumay, lana ahaysiiye
Intay fooq alluubeena waad, la ashqaraartaaye
Inaguna haddaan guul asala, uurka kala guuxi
Illinkaas inaan wada marnaa, way ekoon tahaye
Urursada tacliintoo xafida, idil ahaantiiba
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Qalin-maal Somaliland Group
Hargeisa-Somaliland