Burco (GNA) Wali wax Jawaab ah kamay bixin Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Saraakiisha Caafimaadka Gobolka Togdheer, lacago la sheegay in lagu soo rogay dadka Bukaan socodka ah ee Cisbitaalka Burco iyo cabasho ay saaka shaqaalaha Cisbitaalkaasi ka sameeyeen gudaha Cisbitaalka, ka dib markii dhimis lagu sameeyay tirada shaqaalaha ka hawl-gala.
Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF oo Cisbitaalkaasi gacanta ku haysay muddo gaadhaysa saddex sanaddood ayaa bishii hore si kedis ah uga baxday Dalka Somaliya, isla markaana joojisay dhamaan mashaariicdii ay Gobolka ka waday oo horumarinta Cisbitaalka Guud ee Burco ku jiray.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Cisbitaalkaa oo saaka cabasho sameeyay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sabab la’aan shaqada lagaga joojiyay, isla markaana Maamulka Cisbitaalka iyo Saraakiisha Gobolkuba ka gaabsadeen inay sababeeyaan shaqo dhimista lagu sameeyay.
" Waxa Dhacday in la Dhimay Shaqaale Badan oo Hore uga shaqayn-jiray cisbitalkaasi isla markaasna lagu soo bedelay Shaqaale badan.Dunida way ka dhacdaa in shaqaale la badalo iyagoon wax ay samayn loo sheegin hadana shaqaale kale lagu soo bedelo.Waxaanu isu-duwaha Cafimadka G/Togdheer iyo Agasimaha Cisbitalkaba way diinay siday arintani u dhacday waxaanay nagu yidhahdeen waxba kama Ogin.Hadaa Yaa Maamula Cisbitalka.Maat Roomkii Cisbitalka Ee Maamuli Jiray Shaqaluhu Sidii Uu Shalay Mobile u Xidhay ayuu u xidhan yahay.Waxa naloo Sheegay inay xitaa lacagtii nala siin jiray nalagu yidhi ma lidihidin.
“markaa Dowladii Madaxweyne Riyaale Waxay ka xishootay inay lacag ka qaado Waadhka Caruurta tan Siilanyana Lacag ayay waydisay Waa Ayaan-Daro wayn " ayuu yidhi Mid ka ah Shaqalaha ka howlgala Cisbitalkaasi.
Xasan Cali Muuse oo ka mid ah Shaqalaha ka howlgala Cisbitalkaasi ayaa isna shegay in shaqalahaasi la eryay Lagu Eryay Qaab Beelaysan "Anigoo ku hadlaya Magaca Kalkaaliyeyaasha sare ee Jooga Cisbitalka Burco Waxaanu halkan Fariin uga Diraynaa Madaxwaynaha Waxaananu u shegaynaa in aanan u dul-qaadan doonin arimahan Tacadiga ah Ee ka dhex socda cisbitalka cid kastaba ha wadee.Waxaanu leyahay Dowladu markay Mashaqo Dhacdo ayay RRU iyo waxaan la garayn keentaye Marka hore kama hadasho Xaaladu dhacayso.Anagu waxaanu nahay Dadkii Aad Tahriibta ka Celin lahaydeen Ma Nihin Dadkii Aad Tahriibta u Horseedi lahaydeen.Waxaanu Leeyahay Wasiiradaii dhawaan yimi ee Xirsi Hogaminayay Waxba May Tarin Cisbitaalkii Gurmad Degdeg ah ayuu u baahan yahay.Wasarada Cafimadka Togdheer Musuq-Masuq Xadhkaha Goostay ayaa Hadheyay " ayuu yidhi Xasan Cali
Barwaaqo Xuseen Oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay ka dayrisay qaabka lagu eryay ."Anaga Markii naloo soo dhejiyay waraaq nalagu eryay inyar ka dib waxa xigtay in la soo dhejiyo shaqaale kale oo cusub.waxaanu leyahay anaga Aqoon-tayada ayaa na keentay ee Beelo namay keenin " ayay tidhi Barwaaqo oo ka howlgasha Qaybta Dhalmada ee Cisbitaalka.
Xukuumadda Somaliland, ayaa si cad u sheegtay inay la wareegayso guud ahaan adeegyada Caafimaadka ee cisbitaalkaasi oo intii ay Hay’addu gacanta ku haysay bulshada Gobolka iyo deegaamada ku xeerani Mahadiyeen tayada adeegyadiisa, kagana maarmeen cisbitaaladii ay u soo qaban jireen Hargeysa iyo meelaha ka sii fog-fog.
Balse taasi waxay ahayd rajo aan boqolkiiba boqol lagu kalsoonaan karayn, isla markaana ku xidhnayd hadba sida ay xukuumadda dhexe ugu gurmato la wareegista hawshaasi “xukuumaddu diyaarbay u tahay inay la wareegto hawsha cisbitaalka, oo dhaqaale deg-deg ah loogu sameeyo, madaxweynahana waanu kala hadlaynaa, shaqaalaha ka hawl-galana wixii ay dawladu mushaharka siin jirtay waxba iskama bedelayaan, laakiinse kuwa ay Hay’adu siin jirtay cidii wax loo heli karo waa la siin, laakiinse wax iminka la siinayo oo loo hayaa ma jirto”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qowdhan oo xaalada Cisbitaalka ka hadashay markii ay MSF ka baxday.
Laakiinse Doodda Xukuumadda ka sekow, maanta xaalada Cisbitaalka Burco waxay maraysaa heer qofka Bukaan socodka ah ee aan lacag bixin laga dayrinayo “Magacaygu waa Maryan Bare Mire waxaan ahay hooyo dhashay ilmaha halkan yaala ee Koomada ku Jira wuxuu muddo Dhowr iyo Labatan Cisho ah Uu yaalay Gudaha Cisbitaalka.Waxa Dhacday Markii ay Dhakhatiir Dawo u Qoreen in nalagu yidhi Lacag Keena aanaan haysan”,ayay tidhu Maryan oo Ilmaheeda yar ka murugsayn.
Waxaanay intaasi ku dartay “Waa ayaan-daro abid tii ugu Darnayd.Wax kale iska daaye macaa sariirta ayaa laygu yidhi lacag keen oo hore bilaash u ahaan jirtay ".
Inkasta oo ay adagtahay Xaalada Cisbitaalka laga soo sheegayaa, hadana sida muuqata wali waa arin la daba qabateyn karo, waxaase loo baahanyahay, isla markaana Bulshada Gobolka looga fadhiyaa inaanay dawladda dhaqaale uga sugin tayaynta adeegyada Cisbitaalkaasi, balse ay u istaagaan sidii ay ugu ilaalin lahaayeen heerkii la soo gaadhsiiyay, taasoo ay samayn karaan hadii ay iskaashi buuxa ka sameeyaan qaybaha kala duwan ee Gudaha iyo dibada ku kala noolo, samaystaana Guddi madaxbanaan oo hawshan loo xilsaaro.
Tan ayaa ah daawada qudha ee xal lagaga gaadhi karo cabashada iyo saameynta ay Cisbitaalkaasi ku yeelatay bixitaankii MSF, balse layskuma halayn karo qorshe kasta oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u balanqaado dhakhtarkaasi oo hadaanay bulshadu ilaashan mustaqbalka aan tamarin doonin.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com